Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa wada-hadallo toos ah kula jirta wakiilka kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes oo la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago kooxdiisa Red Devils.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal oo mustaqbalkiisa Manchester United uu mugdi ku jiro ayaa waxa qumbulad uu tuuray waxyar ka hor ciyaartii finalka FA Cup ee Manchester City oo uu taageereyaasha iyo ciyaartoyda ka dalbaday inay u rumeeyaan riyadiisa ah inuu koobab kula guuleysto Red Devils.
29 jirkan oo uu tababare Erik ten Hag ka dhigay kabtanka Manchester United sannadkii hore, ayaa hadda wakiilkiisa oo lagu magacaabo Miguel Pinho waxa uu wada-hadallo toos ah kula jiraa Bayern Munich oo ay ka xaajoonayaan heshiiska shaqsiga ah ee laacibkan uu ugu wareegayo kooxdaas.
Wargeyska The Sun ayaa bishii hore ee May waxa uu sheegay in Bruno Fernandes uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa Manchester United oo aanay jirin hubanti ah inuu sii joogayo.
Laacibkan oo afar sannadood iyo badh ka hor ay Manchester United kala soo wareegtay Sporting Lisbon ayaa kula guuleystay laba koob oo kaliya oo ah Carabao Cup iyo FA Cup.
Be the first to comment