Vinicius Junior Oo Barbarreeyey Rikoodhkii Dhif Iyo Naadirka Ahaa Ee Lionel Messi


Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa barbarreeyey rikoodh cajiib ahaa oo u yaallay Lionel Messi kaddib markii ay xalay kooxdiisa Real Madrid ku guuleysatay koobka Champions League oo ay Borussia Dortmund ku garaaceen 2-0.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Dani Carvajal iyo Vinicius Junior ayaa Real Madrid sabab ugu noqday in ay markii 15aad ku guuleysato Champions League.

Ciyaarta oo qaybteedii hore ay ku dhamaatay goolal la’aan, ayaa waxa Real Madrid ay furatay xisaabteeda goolasha dhamaadka ciyaarta oo ay 16 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, markaas oo uu Dani Carvajal madaxa ku dhamaystiray kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Toni kroos, halka dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay uu Vinicius Junior dhaliyey goolka labaad oo ahaa kubbad hadiyad ah oo uu ka helay Jude Bellingham.

Goolka uu dhaliyey Vinicius Junior ayaa waxa uu ahaa mid taariikhda galay oo uu ku barbarreeyey rikoodh u yaallay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo uu sameeyey waqtigii uu joogay Barcelona.

Vinicius Junior ayaa waxa uu goolkiisani ahaa midkii 11aad ee uu ka dhaliyey wareegyada marxaladaha ka dambeeya wareegga koowaad ee group-yada, isaga oo sidoo kalena sameeyey 11 caawimood taas oo ka dhigan in uu ku lug yeeshay 22 gool oo aanay ku jirin kuwa wareegga group-yadu.

Vinicius Junior oo ay da’diisu tahay 23 jir ayaa waxa uu la mid noqday Lionel Messi oo ahaa ciyaartoyga kaliya ee isaga oo ay da’diisu ka yar tahay 24 jir ku lug yeeshay [dhalin iyo caawin] 22 gool oo ah ciyaaraha ka dambeeya wareegga group-yada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*