TODDOBA Khabiir Oo Saadaaliyey Kooxda Caawa Ku Guuleysanaysa Champions League


Kaddib 11 bilood iyo 125 ciyaarood, waxa lasoo gaadhay finalka Champions League oo caawa lagu soo xidhayo Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo ay midkood ku guuleysan doonto koobka, kuwaas oo ku kala calaf-qaadi doona garoonka Wembley ee magaalada London.

Borussia Dortmund ayaa raadinaysa in markeedii labaad ay ku guuleysato koobkan, halka Real Madrid ay markii 15aad doonayso inuu gacanteeda soo galo, iyadoo laba sannadood ka horna ay finalka ku garaaceen Liverpool oo ay koobka ka qaadeen.

Toddoba khabiir oo ka tirsan wargeyska The Mirror ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa saadaaliyey ciyaartan caawa oo xiisaheedu uu aad uga badan yahay middii hore, isla markaana Ingiriisku ay danaynayaan sababtoo ah waxa labada dhinac ku kala jira ciyaartooyo Ingiriis ah oo kala hoggaaminaya labada naadi.

Sidoo kalena, waxa ay ciyaartani xasuusta u geli doontaa jamaahiirta labada kooxood oo ay koox walba sagootinayso xiddig muhiim ah. Real Madrid ayaa waxa kulankii ugu dambeeyey u dheelaya Toni Kroos oo ciyaaraha ka fadhiisanaya iyo kabtankooda Nacho Fernandez oo ka tegaya xagaagan, halka Borussia Dortmund uu hawlgab ka noqonayo Marco Reus oo kabaha tiirin doona.

Toddobada khabiir ee Daily Mirror ee saadaasha sameeyey, ayaa shan ka mid ah ay isku raaceen in koobka ay ku guuleysanayso Real Madrid, halka laba ay u leexdeen dhinaca Borussia Dortmund, kuwaas oo waliba uu midkood sheegay in waqti dheeraad ah ciyaarta lagu dari doono.

Halkan kaga bogo saadaasha khubarada Daily Mirror ee finalka Champions League:

John Cross: Borussia Dortmund 1-3 Real Madrid

Dan Marsh: Borussia Dortmund 2-1 Real Madrid (Waqti dheeraad ah ayaa lagu dari doonaa)

Daniel Orme: Borussia Dortmund 1-3 Real Madrid

Mark Jones: Borussia Dortmund 1-0 Real Madrid

Felix Keith: Borussia Dortmund 0-2 Real Madrid

Alan Smith: Borussia Dortmund 0-3 Real Madrid

Nathan Ridley: Borussia Dortmund 0-1 Real Madrid

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*