Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo diidi doonaa in loo diiwaangeliyo tababaraheeda cusub ee Hansi Flick sababo dhaqaale awgeed, waxaana dhoosha ka qoslaya Xavi Hernandez oo si aan habboonayn shaqada looga caydhiyey.
Barcelona ayaa waxa ay tababaraha reer Germany ee Hansi Flick si rasmi ah ugu dhawaaqday Salaasadii isaga oo saxeexay heshiis laba sannadood ah oo uu ku laylin doono kooxda reer Catalonia.
Heshiiska Hansi Flick ayaa dhigaya in uu sannadkii mushahar u qaadan doono lacag dhan £3 milyan oo Gini iyo lacago kale oo dheeraad ah oo uu heli doono, tusaale ahaan haddii ay kooxdiisu qaaddo Champions League waxa uu heli doonaa £850,000 Gini oo kale oo dheeraad ah haddii ay horyaalka ku guuleystaanna £750,000 Gini.
Sidaas oo ay tahay, horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa u diidaya Barcelona inay dhaqangeliso heshiiskan waxaana laga horjoogsan doonaa in loo diiwaangeliyo macallinkan.
Wargeyska Marca ayaa sheegay in Barcelona oo ku jirta dhibaato dhaqaale laga doonayo inay dhinto mushaharkeeda, illaa ku dhowaad €100 milyan oo Gini, haddii kalena ay soo xarayso dakhli gaadhaya €100 milyan oo Euro inta ka horreysana aan ciyaartoy iyo tababare midna loo diiwaangelin doonin.
Be the first to comment