Iska Illow Bellingham, Foden, Rice & Stones: Wayne Rooney Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Muhiimsan Xulka England Ee Euro 2024


Halyeyga reer England ee Wayne Rooney ayaa waxa uu magacaabay ciyaartoyda ugu muhiimsan xulka qarankiisa ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee dhowaanta lagu qabanayo waddanka Germany.

Wayne Rooney ayaa waxa uu indhaha ka laliyey ciyaartoyda aadka loogu hanka weyn yahay ee Phil Foden oo kusoo guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Premier League & FWA iyo Jude Bellingham oo isaguna ku guuleystay abaal-marinta xiddiga horyaalka Spain ee LaLiga ee sannadkan iyo abaal-marinta Golden Boy ee ciyaartoyga ugu fiican da’yarta dunida.

Waxa kale oo uu Wayne Rooney ka booday xiddigaha Arsenal ee Declan Rice iyo Bukayo Saka, halka uu indhaha ka laliyey laacibka laf-dhabarta u ah Manchester City ee John Stones iyo saaxiibkiisa garabka ka dheela ee Jack Grealish.

Wayne Rooney oo la weydiiyey ciyaartoyda ugu muhiimsan ee xulka England ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2024, ayaa ku jawaabay: “Harry Kane iyo Jordan Pickford ayaa ah ciyaartoyda ugu muhiimsan England. Sababta uu Jordan muhiimka ugu yahay xulka England, waa in aanu tababare Gareth Southgate xataa fadiisinin kulamada saaxiibtinimo, isla markaana aynaan wali eegin waxa ay goolhayeyaasha kale qaban karayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*