Hansi Flick Magacaabay Xiddiga Barcelona Ee Lama Taabtaanka Ah Ka Dib Markii Uu Noqday Tababaraha Barca


Hansi Flick ayaa magacaabay hal ciyaaryahan oo lama taabtaan ah ka dib markii uu noqday tababaraha cusub ee Barcelona.

Flick oo laga ceyriyay xulka Jarmalka sannadkii la soo dhaafay ayaa Xavi ka bedelay shaqada Barcelona.

Tababaraha reer Jarmal ayaa saxiixay qandaraas labo sannadood ah isagoo ay u bilaabatay waayihiisa tababarenimo ee meel ka baxsan Jarmalka.

Waxa uu ahaa tababaraha xulka qaranka Jarmalka isagoo sidoo kale tababare u soo noqday Bayern Munich kuna hogaamiyay seddexda koob sannadii 2020 oo ay ku guuleysteen Bundesliga, Champions League iyo German Cup.

59 jirkaan ayaa haatan loo xilsaaray inuu koob u qaado kooxda ka dhisan Camp Nou ka dib markii ay xilli ciyaareedkan ku dhameysteen koob la’aan.

Ka hor suuq kala iibsiga xagaaga oo mashquul badan u noqon doona, Flick ayaa magacaabay hal ciyaaryahan oo lama taabtaan ah oo ku jira kooxda.

Sida uu sheegay wariyaha maxaliga ah Roger Torello, Frenkie de Jong ayaa ah ciyaaryahan lama taabtaan ah sida uu sheegay tababare Flick.

De Jong ayaa la joogay Barca tan iyo xagaagii 2019kii ka dib wacdarro uu ka dhigay Ajax.

Laakiin waxaa in muddo ah lala xiriirinayay kooxda tababare Eik ten Hag ee Manchester United.

Dhaqaale xumada ay ku jirto Barca ayaa keentay in la wareejiyo warar xan ah oo ku saabsan in De Jong uu ka tagayo Catalan.

Laakiin Flick ayaan dooneynin inuu iibiyo xiddiga khadka dhexe ee reer Holland kaasoo u muuqda inuu muhiim u noqon doono tababaraha cusub xilli ciyaareedka soo socda.The 27-year-old played 30 games across all competitions this season, including 20 La Liga appearances.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*