Thomas Partey Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Thomas Partey ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka kooxdaas kaddib bilooyin ay taagnaayeen hadal-hayn sheegaysay inuu ka tegayo Gunners marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Khadka dhexe ee reer Ghana oo sannadkii 2020 ay Arsenal £45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Atletico Madrid ayaa inta badan u jiifay dhaawac xilli-ciyaareedkii hadda dhamaaday, waxaana uu kaliya kusoo bilowday sagaal kulan oo horyaalka Premier League ah.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay, in Thomas Partey uu go’aansaday inuu sii joogo xilli-ciyaareedka dambe isla markaana uu aad u jeclaystay ka garab ciyaarista Declan Rice, taas oo keentay inuu ka negaado bixitaan lala xidhiidhinayey.

Wariyaha ciyaaraha Charles Watts ayaa sheegay, in Partey uu xilli-ciyaareedka dambe joogi doono Arsenal, laakiin aanay wali Arsenal usoo bandhigin heshiis cusub iyadoo qandaraaskiisana uu sannad ka hadhsan yahay, waxaanay taasi keenaysaa in Gunners ay sii haysan doono.

Tababare Mikel Arteta ayaa waxa uu doonayaa in kooxdiisu ay la saxeexato Bruno Guimaraes oo u dheela Newcastle ama Martin Zubimendi oo u ciyaara Real Sociedad, waxaana haddii labadan ciyaartoy ay midkood helaan ay si cad albaabka uga saari doonaan Thomas Partey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*