DEG-DEG: Chelsea Oo Xaqiijisay Heshiiska Tababaraheeda Cusub


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xaqiijisay heshiiska tababaraheeda cusub ee hoggaamin doona xilli-ciyaareedka dambe, maalmo kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen Mauricio Pochettino oo hal sano oo kaliya joogay Stamford Bridge.

Chelsea ayaa waxa ay heshiis buuxa la gaadhay tababaraha Talyaaniga ah ee Enzo Maresca oo ay da’diisu tahay 44 jir, kaas oo ay kasoo xoogeen Leicester City oo uu kasoo dallacsiiyey heerka labaad ee ay u dhacday xilli-ciyaareedkii hore.

Blues oo hore loola xidhiidhinayey Kieran McKenna, Roberto De Zerbi iyo Thomas Frank, ayaa waxa ay u leexatay dhinaca Maresca oo maamulka Blues ay ku qanceen falsafaddiisa ciyaareed, xeeladaha uu adeegsado iyo khibraddiisa da’yaraanta ku qaan-gaadhay.

Chelsea ayaa waxa ay Maresca la gaadhay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa sannadka 2030, waxaanay bixin doonaan £10 milyan oo Gini oo ah magdhow ay u shubi doonaan Leicester City oo iyaduna dhinaceeda ka raadsanaysa tababare cusub.

Enzo Maresca ayaa Leicester City la wareegay xagaagii hore markii ay u dhacday heerka labaad, waxaana 46 ciyaarood oo Championship ah oo uu laylinayey ay guuleysteen 31 ka mid ah iyagoo kaalinta koowaad kaga soo baxay heerka labaad oo ay koobka kusoo guuleysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*