Erik ten Hag ayaa si lama filaan ah u duray ninka ay isku wadanka yihiin ee Arne Slot kaasoo la wareegaya shaqada tababare ee kooxda Liverpool.
Arne Slot ayaa si rasmi ah u bedelaya Jurgen Klopp 1da bisha Juun.
Waxa uu noqon doonaa tababarihii 10aad ee reer Holland ee Premier League isagoo ku biiraya tababarayaasha sida Erik ten Hag, Louis van Gaal, Guus Hiddink, Ruud Gullit iyo Ronald Koeman.
Slot ayaa imaanaya Liverpool ka dib markii uu kooxda Feyenoord u soo qaaday horyaalka Eredivisie iyo KNVB Cup seddexdii sannadood uu kooxda joogay.
Si kastaba, Ten Hag ayaa u muuqda mid aan la dhicin shaqada uu Arne Slot ka qabtay Feyenoord.
Waxa uu sheegay in horyaalka ay ka qaadeen PSV Eindhoven isagoo xusay in tababaraha PSV Peter Bosz inuu dhinacyo badan ka fiicnaa Slot iyo kooxdiisa oo uu sheegay in amaanta laga badbadiyay.
“Dadku waxay amaanta ka badbaadiyeen Feyenoord” ayuu yiri Ten Hag sida ay qortay Daily Mirror.
“Feyenoord waa ay iska fiicneyd sannadkan, laakiin ma aheyn kuwa sarre. PSV ayaa labo jibaar ka fiicneyd dhan walba. Marka la eego sida ay kubada u maamulayeen, sida ay cadaadis u abuurayeen iyo xamaasada ay ku ciyaarayeen.
“Bosz iyo shaqaalihiisa waxay qabteen shaqo fiican. PSV aaa ka fiicneyd kooxaha kale weli masaafo dheer, waxay xitaa ka fiicnaayeen Feyenoord.”
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Ten Hag duro tababaraha imaanaya Liverpool Arne Slot. Waxa uu dhawaan sheegay in Arne Slot uu ku haboon yahay Liverpool laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in Slot uu qabanayo shaqo ka sahlan tii uu isaga qabtay ee Man United 2022kii.
Be the first to comment