Layaabka Ku Dhacay Virgil van Dijk Markii Loo Sheegay Xulka Sannadkan Loo Saadaalinayo Euro 2024


Difaaca xulka qaranka Netherlands iyo Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa la weydiiyey xulka ugu cadcad tartanka Euro 2024 ee bisha dambe ee July lagu qaban doono waddanka Germany.

Virgil van Dijk ayaa galay fasax kooban markii uu soo dhamaaday xilli-ciyaareedka horyaalka Premier League oo ay kooxdiisu ka gashay kaalinta saddexaad, waxaana uu usbuuca dambe dib ugu soo noqon doonaa garoomada isaga oo qayb ka noqon doona xiddigaha xulka Netherlands ee isku diyaarinaya tartanka Euro 2024.

Netherlands ama Holland ayaa waxa ay ku jirtaa Group D oo ay ku wehelinayaan France, Poland iyo Austria, waxaana uu ka mid yahay hormooyinka ugu adag ee tartankan

Virgil van Dijk oo ka qayb-galay ciyaaraha baratanka baabuurta ee Monaco Grand Prix, Sky Sports F1  ayaa waxa halkaas ku qabtay wariye weydiiyey su’aal ahayd, ‘Xulka Qaranka England ma yahay dalka ugu cadcad sannadkan?”

32 jirkan oo u muuqda inuu layaabay wariyahan iyo aragtidiisa ayaa ku jawaabay: “Miyey yihiin iyagu?”

Waxa uu kusii daray: “England waxay haysataa koox aad iyo aad u wanaagsan, laakiin France ayaa iyaguna aad u xooggan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*