Kevin de Bruyne ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Manchester City kaddib finalkii FA Cup, waxaana uu ogolaanay inuu sii kordhiyo qandaraaskiisa oo uu ku daro sannad kale, inkasta oo uu dalabyo ka haysto horyaalka waddanka Sucuudiga. (Mirror)
Barcelona ayaa qorshaynaysa inay weerar ku qaaddo Liverpool oo ay ka doonayaan garabka weerarka Uruguay ee Luis Diaz. Deco ayaa isku dayi doona inay kooxdiisu la saxeexato Luis Diaz haddii ay iibiyaan Raphinha. (AS)
Weeraryahanka reer England ee Jarrod Bowen oo 27 jir ah ayaa lala xidhiidhinayaa Newcastle, laakiin isagu waxa uu doonayaa inuu sii joogo West Ham. (Mirror)
Chelsea waxa ay diyaarisay dalab £20 milyan oo Gini ah oo ay ka gudbinayso goolhayaha kooxda Burnley ee James Trafford oo u dhashay waddanka Ingiriiska. (Sun)
Emile Smith Rowe ayaa wada-hadallo la yeelan doona kooxdiisa Arsenal kaddib markii uu Mikel Arteta siin waayey fursad ciyaareed. 23 jirkan ayaa loo badinayaa inuu ka tegi doono Emirates Stadium. (Caught Offside)
Barcelona waxay la xidhiidhay Thiago Alcantara oo toddobaadkii hore ka tegay Liverpool oo uu afar sannadood u ciyaaray. 33 jirkan ay dhaawacyadu daashadeen ayay Barca doonaysaa inuu noqdo ciyaartoy iyo sidoo kale gacan-yare tababare oo caawiya Hansi Flick. (AS)
Christian Eriksen ayaa ka tegi doona Manchester United waxaana uu dib ugu laabanayaa kooxdiisii hore ee Ajax, inkasta oo 32 jirkan uu sugayo go’aanka ay Man United ka qaadanayso tababare Erik ten Hag. (Sun)
PSG ayaa dalab 100 milyan oo Euro ah ka gudbisay garabka weerarka Napoli iyo xulka Georgia ee Khvicha Kvaratskhelia oo 23 jir ah, si uu ugu beddelo Kylian Mbappe. (Gazzetta dello Sport)
PSG waxa ay ka baqaysaa in ay ku fashilanto tartanka ay ugu jirto difaaca reer France ee Leny Yoro ooa h 18 jir u dheela Lille oo ay doonayaan kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Real Madrid, kaas oo qandaraaskiisa uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay. (L’Equipe)
Napoli waxa ay wada-hadallo kula jirtaa tababaraha Talyaaniga ah ee Antonio Conte, laakiin macallinkan ruug-caddaaga ah ee hore usoo layliyey Inter Milan, Juventus, Chelsea, Tottenham iyo xulka qaranka Italy ayaa doonaya inuu layliyo kooxo dalka dibeddiisa ah. (Sky Sports)
Manchester United waxa ay hoggaaminaysaa tartanka loogu jiro weeraryahanka 17 jirka ah ee kooxda Port Vave ee Baylee Dipepa oo sidoo kale u dheela xulka da’yarta England. Laakiin waxa Red Devils ku haysta oo kula tartamaya Newcastle, West Ham, RB Leipzig, Borussia Dortmund iyo Aston Villa. (Daily Mail)
Difaaca reer Spain ee boosaska badan ka dheela ee Lucas Vazquez oo 32 jir ah ayaa ogolaaday inuu heshiis cusub oo socon doona illaa June 2025 u saxeexo kooxdiisa Real Madrid. (Marca)
Be the first to comment