QIIMAYN: 15ka Ciyaartoy Ee Reer Spain Ee Ugu Wanaagsan Waqtigan Oo La Magacaabay


15ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan ee u dhashay waddanka Spain ayaa qiimayn lagu soo saaray, waxaana ka dhax muuqda oo hormood u ah khadka dhexe ee Manchester City ee Rodri oo uu wehelinayo dheemanka Barcelona ee Pedri oo inkasta oo ay dhaawacyo daashadeen haddana wali hormood u ah 15ka ciyaartoy ee dalkiisa ugu wanaagsan waqtigan.

Waxa kale oo liiska soo galay da’yarka Barcelona ee Lamine Yamal oo dhawr rikoodh oo dhaaweyn jabiyey xilli-ciyaareedkan isaga oo kasoo dallacay kooxda da’yarta.

Spain oo laga sugayo inay shaaciso xulka qaranka ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Germany oo aanay ku jirin dalalka la saadaalinayo, ayaa waxa ay dagaal u geli doonaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen tartankan oo ay ugu dambaysay sannadkii 2008, waqtigaas oo uu laylinayey Vincent del Bosque, iyagoo laba sannadood kaddib oo ahayd 2010 ay sidoo kael qaadeen Koobka Adduunka.

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis de la Fuente ayaa laga sii fudaydiyey o’aanka xulashada ciyaartoydiisa Euro 2024, waxaana qiimayn lagaga caawiyey inuu ogaado 15ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan ee uu waqtigan haysto, kuwaas oo si lama filaan ah uu kusoo galay weeraryahanka Real Madrid ee Joselu uu sannad ka hor aan xataa ku riyoonayn inuu soo geli karayo xulka qaranka dalkiisa.

Rodri oo ah ciyaartoyga ugu fiican ee reer Spain sida ay qiimayntu sheegayso, waxa kusoo xiga difaaca Real Madrid ee Dani Carvajal, halka Lamine Yamal uu saddexaad ku jiro oo uu kaalinta afraad u riday Pedri.

Waxa sidoo kale liiskan ku jira xiddiga Barcelona ee dhaawaca u jiifa ee Gavi, hase yeeshee goolhayaha Arsenal ee David Raya iyo sidoo kale goolhayaha Athletic Bilbao ee Unai Simons oo ku dagaallami doona midka noqon doona dookha koowaad ee tababare Luis de la Fuente ayaa iyaguna ku jira liiska 15ka ciyaartoy ee ugu fiican ciyaartoyda Spain.

Qiimaynta 15ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan Spain

No. Magaca Kooxdiisa Kulamada uu u saftay xulkiisa
1. Rodri Manchester City 49
2. Dani Carvajal Real Madrid 43
3. Lamine Yamal FC Barcelona 6
4. Pedri FC Barcelona 18
5. Gavi FC Barcelona 27
6. Joselu Real Madrid 10
7. Alvaro Morata Atletico Madrid 71
8. Mikel Oryazabal Real Sociedad 28
9. Alex Grimaldo Bayer Leverkusen 2
10. Nico Williams Athletic Club Bilbao 13
11. Dani Olmo RB Leipzig 33
12. Unai Simon Athletic Club Bilbao 39
13. David Raya Arsenal 4
14. Pau Cubarsi FC Barcelona 2
15. Ferran Torres FC Barcelona 40

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*