Pep Lijnders Oo Ka Farxiyey Jamaahiir Liverpool Xilli Uu Ka Hadlayey Dhaawaca Alexander-Arnold


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib u heshay difaaceeda midig ee Trant Alexander-Arnold oo kasoo kabtay uu muddo bil ah u jiifay oo kasoo gaadhay ciyaartii Aston Villa ee ka hor kulamadii caalamiga ahaa ee xulalku ay horraantii bishan u baxeen.

Tababare ku-xigeenka Liverpool ee Pep Lijnders ayaa saxaafadda u sheegay in Alexander-Arnold uu kusoo laabtay tababarka oo uu mar kale taam yahay, isla markaana uu toddobaadka soo socda diyaar u yahay inuu ciyaaro.

Alexander-Arnold oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa ka maqnaa, sidoo kalena aan xulkiisa England lagu darin kulamadii isreeb-reebka Euro 2024, ayaa waxa kale oo uu diyaar u yahay oo uu qayb ka noqon doonaa ciyaarta caawa ee Carabao Cuap ee Leicester City ay ku kala-calaf qaadayaan wareegga saddexaad oo midkood ay afar-dhamaadka iska xaadirin doonto.

Joe Gomez ayay u badan tahay in uu sii xajisan doono booska difaaca midig caawa, maadaama Alexander-Arnold aanu muddo bil ah ciyaarin oo ay tahay in taxadar laga sameeyo dhaawaciisa.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa si weyn u tabtay Alexander-Arnold kulamadii uu maqnaa, iyadoo ciyaartii Aston Villa ee uu ku dhaawacmay uu bixiyey kubbado hadiyado ahaa oo sababay in kooxdoodu ay guul soo laabasho ah gaadho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*