RASMI: Didier Deschamps Oo Soo Saaray Liiska Xulka Qaranka Faransiiska Ee Ka Qayb-gelaya Euro 2024


Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka dalkiisa uga qayb-geli doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana uu hal ciyaartoy ka dhimay tiradii laga doonayey.

Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha xulka qaranka Faransiiska, iyadoo la ogaa in Mbappe uu seegay kulamadii wareeggii group-yada tartankii Euro 2020 ee uu dalkiisu sida lama filaanka ah ugu hadhay wareegga 16ka oo ay Switzerland reebtay.

Xulka France ayaa waxa dib ugu soo noqday N’Golo Kante oo aanay cidina filaynin in loo yeedhi doono maadaama uu ka ciyaaro horyaalka Sucuudiga oo uu xagaagii ka tegay Chelsea, iyadoo aan marnaba lagu soo darin xulka intii ka dambaysay June 3, 2022.

Da’yarka PSG ee Bradley Barcola oo 21 jir ah ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee ku cusub xulka qaranka France oo sidoo kale uu ugu da’ yar yahay Warren Zaire-Emery oo 18 jir ah oo hore kulamadii isreeb-reebka iyo saaxiibtinimo qayb uga soo ahaa.

Halka Warren Zaire-Emery uu ka yahay ciyaartoyga ugu da’da yar, waxa dhinaca kale ciyaartoyga ugu da’da weyn uu yahay Oliver Giroud oo 33 jir ah, iyadoo Lucas Hernandez uu dhaawac kaga maqnaanayo, hase yeeshee Aurélien Tchouaméni iyo Kingsley Coman ayaa uu Didier Deschamps u yeedhay.

Xulka qaranka France oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Alphonse Areola (West Ham), Mike Maignan (AC Milan), Brice Samba (Lens)

Difaacyahanno: Jonathan Clauss (Marseille), Théo Hernandez (AC Milan), Ibrahima Konaté (Liverpool), Jules Koundé (Barcelona), Ferland Mendy (Real Madrid), Benjamin Pavard (Inter Milan), William Saliba (Arsenal), Dayot Upamecano (Bayern Munich)

Khadka Dhexe: Eduardo Camavinga (Real Madrid), Youssouf Fofana (Monaco), Antoine Griezman (Atlético de Madrid), N’Golo Kanté (Al-Nassr), Adrien Rabiot (Juventus), Aurélien Tchouaméni (Real Madrid), Warren Zaïre-Emery (PSG)

Weeraryahanno: Bradley Barcola (PSG), Kingsley Coman (Bayern Munich), Ousmane Dembélé (PSG), Olivier Giroud (AC Milan), Randal Kolo Muani (PSG), Kylian Mbappé (PSG), Marcus Thuram (Inter Milan)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*