RASMI: Xulka Qaranka Germany Ee Euro 2024 Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Afar Xiddig Oo Laga Reebay


Tababaraha xulka qaranka Jarmalka ee Julian Nagelsmann ayaa soo saaray liiska hordhaca ah ee xiddigaha xulka dalkiisa ee ka qayb-geli doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana uu ka reebay afar ciyaartoy oo khibrad badan leh.

Jarmalka oo ah dalka martigelinaya tartankan isla markaana ah waddanka saddexaad ee loo saadaalinayo oo ay ka horreeyaan England iyo France, ayaa waxa uu tababare Julian Nagelsmann magacaabay 27 ciyaartoy, isaga oo ka saari doona hal ciyaartoy maalmaha soo socda.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa tirada ciyaartoyda xulalka loo ogol yahay oo hore u ahaa 23 uu ka dhigay 26 ciyaartoy, iyadoo waqtiga kama dambaysta ah ee lasoo gudbinayo liisaskana ay tahay June 7.

Julian Nagelsmann ayaa xulkiisa ka reebay difaaca Borussia Dortmund ee Mats Hummels ee kooxdiisu ay iska xaadirisay finalka Champions League oo ay June 1 la dheeli doonaan Real Madrid, Timo Werner oo weerarka uga ciyaara Tottenham isla markaana laba gool oo kaliya oo Premier League ah dhaliyey tan iyo bishii January oo Spurs ay amaah kaga soo qaadatay RB Leipzig, khadka dhexe ee Bayern Munich ee Leon Goretzka iyo garabka weerarka Munich ee Serge Gnabry oo dhaawac ah.

Xulka qaranka Germany ayaa ciyaarta furitaanka Euro 2024, waxa ay June 14 la dheeli doonaan Scotland, laakiin inta ka horreysa waxa ay ciyaaro saaxiibtinimo oo tijaabo ah kusii waajihi doonaan Ukraine iyo Greece.

Halkan kaga bogo liiska xiddigaha xulka qaranka Germany ee Euro 2024

Goolhayeyaal: Oliver Baumann, Manuel Neuer, Alexander Nubel, Marc-Andre ter Stegen

Difaacyahanno: Waldemar Anton, Benjamin Henrichs, Joshua Kimmich, Robin Koch, Maximilian Mittelstadt, David Raum, Antonio Rudiger, Nico Schlotterbeck, Jonathan Tah

Khadka Dhexe: Robert Andrich, Chris Fuhrich, Pascal Groß, Ilkay Gundogan, Toni Kroos, Jamal Musiala, Aleksandar Pavlovic, Leroy Sane, Florian Wirtz

Weerarka: Maximilian Beier, Niclas Fullkrug, Kai Havertz, Thomas Muller, Deniz Undav

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*