UEFA Oo Soo Saartay Sharci Muran Dhaliyey Oo Saamaynta Uu Ku Yeelanaya Kubadda Cagta


Xidhiidhka kubadda cagta Yurb ee UEFA ayaa soo saaray sharci cusub ka hor ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha June ka bilaabmaya waddanka Germany, kaas oo awood intii hore ka badan siinaya garsooreyaasha kubadda cagta.

14ka June ayaa uu tartanka qaramada Yurub ka furmi doonaa waddanka Germany, waxaana lagu bilaabayaa ciyaar uu dalka martigelinaya ee Jarmalku la dheeli doono Scotland iyadoo hormadan ay ku wehelinayaan Hungry iyo Switzerland.

UEFA ayaa hore waxa ay xulalka ugu ogolaatay in tirada ciyaartoydooda oo hore u ahaan jiray 23 laacib ay ka dhigaan 26 ciyaartoy, waxaanay dhaqan-geliyeen oo hadda sharci ahaan loo adeegsan doonaa sharcigii ku-meelgaadhka ahaa ee la ansixiyey tartankii Euro 2021, waqtigaas oo xanuunkii COVID-19 uu ka jiray adduunyada.

UEFA ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in la meel-mariyey sharci cusub oo ilaalinaya garsooreyaasha, kaas oo kaliya ogolaanaya in kabtannadu ay la hadli karaan garsooraha isla markaana ciyaartoyda kale aan loo ogolayn.

Qodobkan ayaa u dhigan sidan: “UEFA waxay u sheegaysaa kooxaha Euro 2024, in kabtannada oo kali ahi ay u tegi karayaan garsooraha inta ay ciyaaruhu socdaan. Ciyaartoyga wax ixtiraam-darro ah u muujiya garsooraha, waxa la siin doonaa kaadh. Haddii uu kabtanku yahay goolhaye, waxa uu usoo wakiilan karaa ciyaartoy kale inuu la hadlo garsooraha.”

Guddoomiyaha xidhiidhka garsoorka ee UEFA, Roberto Rosetti ayaa sheegay in sababta sharcigan loo sameeyey ay tahay, in si weyn loo ilaaliyo shaqsiyadda iyo deggenaanshaha uu garsooruhu ku qaadan karayo go’aamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*