RASMI: Kooxdii Labaad Oo Ka Dhacday Sallaanka Premier League Iyo Labada Isku Maran


Kooxda kubadda cagta Burnley ayaa ka dhacday sallaanka horyaalka Premier League oo dib ugu noqotay heerka labaad ee ay kasoo dallacday xilli-ciyaareedkii hore, waxaanay ka daba tagtay Sheffield United oo waqti hore dhaadhacday isla markaana noqotay kooxdii koowaad ee ka dhacda sallaanka Premier League.

Burnley oo uu tababare u yahay halyeygii Manchester City ee Vincent Kompany ayaa waxa galaafatay Tottenham oo guul 2-1 ah u xambaarisay, taas oo Spurs kusoo celisay tubta libinta oo ay ka maqnad afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Gool ay Burnley la hormartay daqiiqaddii 25aad oo uu u dhaliyey Jacob Bruun Larsen ayaa ay ilaashan kari wayday Burnley, waxcaanay ogolaadeen in Tottenham ay laba gool oo daran-doorri ah ka dhaliso labadii qaybood.

Difaaca reer Spain ee Pedro Porro ayaa toddoba daqiiqadood gudahood ku aamusiiyey farxaddii iyo dabbaaldegyadii ay ciyaarta ku bilowdeen Burnley, isaga oo dhaliyey goolka barbarraha.

Difaaca reer Netherlands ee Micky van de Ven ayaase noqday laacibka horyaalka Premier League ka cidhib-tiray Burnley ee madaxa ku dhamaystiray koorne uu soo tuuray Maddison dhamaadka ciyaarta, waxaana uu goolkaasi noqday midka sida dhabta ah u xaqiijiyey in Burnley ay ka maqnaan doonto horyaalka xilli-ciyaareedka dambe.

Tottenham oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey guul-darraysatay, ayaa tababare Ange Postecoglou uu ka dagaallamay inuu galo taariikh xun oo kooxdaas soo martay sannadkii 1994kii oo shan ciyaarood oo isku-xigay laga badiyey iyadoo waqtigaas uu tababare u ahaa Ossie Ardiles.

Burnley ayaa dhinaceeda waxa xilli-ciyaareedkan laga badiyey 23 jeer oo horyaalka Premier League ah, sagaal jeer oo barbarro ahaa iyo shan mar oo kaliya oo ay guuleysteen.

Dhinaca kale, waxa wali isku dheggan Nottingham Forest iyo Luton Town oo aan kala bixin, kuwaas oo uu midkood raaci doono dariiqa Burnely iyo Sheffield United.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*