Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey tirada kaadhadhka loo qooneeyey labada kooxood ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund ee iskugu soo hadhay finalka Champions League oo ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London.
Borussia Dortmund iyo Real Madrid ayaa markii ugu horreysay wada ciyaari doona finalka Champions League, iyadoo Dortmund ay ugu dambaysay inay halkan soo gaadho sannadkii 2013 oo isla garoonka Wembley ay ku wada ciyaareen Bayern Munich oo koobka kaga guuleysatay.
UEFA ayaa waxa ay u qorshaysay labada kooxood ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund waxa ay u qorshaysay min 25,000 tigidh, taas oo ka dhigan in labada kooxood loo qaybiyey 50,000 tigidh, halka 10,000 tigidh oo kalena si caadi ah loo iibin doono oo taageereyaasha kubadda cagtu ay u siman yihiin.
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay April 9 ayaa ay bilaabmi doonaan iibka tigidhadu, waxaanay xidhmi doonaan April 16.
Qiimaha tigidhada ayaa sidoo kale kala duwanaan doonaa, waxaanay u qaybsan yihiin afar qaybood oo ku sallaysan fadhiyada garoonka Wembley Stadium.
Qaybta koowaad, ayaa qiimaheedu yahay £60 Gini, halka qaybta labaad uu qiimuhu yahay £160 Gini, qaybta afraadna waa £430 Gini iyo qaybta ugu qaalisan oo ah £610 Gini.
Haddaba taageere, miyaad lacag intan le’eg u quudhi lahayd inaad ku kharash garayso daawashada ciyaarta finalka Champions League ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund ee ka dhici doonta garoonka Wembley Stadium?
Be the first to comment