Goolkii ay kooxda Luton xalay ka dhalisay Everton ayaa xaqiijisay in xiddig Arsenal ah uu ku guuleystay abaalmarin weyn oo Premier League ah.
Everton ayaa gool ku hormartay kaasoo ahaa rigoore uu u saxiixay Dominic Calvert-Lewin, laakiin Elijah Adebayo ayaa u barbareeyay Luton daqiiqadii 31aad.
Goolka Adebayo ayaa muhiim u ahaa dagaalka ay Luton ugu jirto inay ka badbaado u laabashada horyaalka heerka labaad, sidoo kale waxa uu goolka muhiim u ahaa Arsenal.
Madaama goolhayaha Everton Jordan Picford uu ku guuldareystay inuu shabaqa ilaashado, waxaa la xaqiijiyay in abaalmarinta Gacmo gashiga dahabiga ee goolhayaha ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan inuu ku guuleystay goolhayaha Arsenal David Raya.
Qoraal ay soo saareen Premier League oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu yiri: “Kulamada uu shabaqa ilaashada David Raya xilli ciyaareedkan lagama sarre mari karo.
“Waxay tani xaqiijineysaa inuu ku guuleysan doono abaalmarinta gacmo gashiga dahabiga ah ee Premier League.”
David Raya’s clean sheet tally for the season cannot be beaten 👏
This secures him at least a share of the 2023/24 @Castrol Golden Glove! pic.twitter.com/UnNJmAPnKr
— Premier League (@premierleague) May 3, 2024
David Raya ayaa shabaqa ilaashada 14 kulan, halka goolhayaha Everton Jordan Pickford uu shabaqa ilaashaday 12 kulan, goolhayaha Fulham Bernd Leno iyo goolhayaha Man City Ederson ayaa iyagana shabaqa ilaashaday 9 kulan.
Madaama Everton ay labo kulan u hartay, Pickford waxa uu awood u yeelan karaa kaliya inuu abaalmarinta la qeybsado Raya waa haddii goolhayaha Arsenal shabaqa laga soo taabto dhamaan seddexda kulan ee u hartay.
Be the first to comment