Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten uHag ayaa shaaciyey, in aanu helin saxeexii uu doonayey in uu sameeyo suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii, isla markaana uu markii dambe u leexday Rasmus Hojlund.
Erik ten Hag ayaa doonayey in kooxdu ay qasnaddeeda u jabiso weeraryahanka reer England ee Harry Kane, balse Red Devils ayaa ka gaabisay inay bixiso lacag dhan £100 milyan oo Gini oo ay Tottenham dalbanaysay, waxaana lacagtaas bixisay Bayern Munich oo la wareegtay.
Manchester United ayaa markaas u leexsatay dhinaca weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo ay £72 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Atalanta, kaas oo xilli-ciyaareedkan u dhaliyey kooxdiisa siddeed gool 26 ciyaarood oo Premier League ah oo uu u saftay, halka Harry Kane uu 35 gool u saxeexay Bayern Munich 31 kulan oo Bundesliga ah.
Ten Hag oo ay saxaafaddu weydiisay qorshihiisii Harry Kane ayaa yidhi: “Haa, waanu ogeyn in Harry Kane uu 30 gool dhalin doono, laakiin nooma aanay suurtogelin in aanu la saxeexano. Rasmus Hojlund wuu gaadhi doonaa halkaas, laakiin waqti ayuu u baahan yahay, aniguna waligay isma barbar-dhigin laa ciyaartoy oo kala duwan.”
Be the first to comment