DEG-DEG: Xiddiga Ku Guuleystay Abaal-marinta Ciyaartoygii Ugu Wanaagsanaa Ingiriiska Sannadan Oo La Shaaciyey


Waxa la shaaciyey ciyaartoyga ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee ay bixiyaan ururka Qoreyaasha Kubadda Cagta ayaa la shaaciyey, taas oo ay ku tartamayeen ciyaartooyo badan oo uu hunguri ka hayey.

Ururka Qoreyaasha Kubadda Cagta ee magacooda loosoo gaabiyo FWA ayaa waxa ay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa u doorteen xiddiga Manchester City ee Phil Foden oo 50 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu xilli-ciyaareedkan u saftay kooxdiisa u dhaliyey 24 gool iyo 10 kale oo uu caawiye ka noqday.

23 jirkan khadka dhexe oo ka dheelay meelo kala duwan xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu ku guuleystay 42% codadkii la dhiibtay, isaga oo abaal-marinta ku garaacay Declan Rice oo kaalinta labaad galay iyo Rodri oo saddexaad u dhacay.

Kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard, weeraryahanka Aston Villa ee Ollie Watkins iyo xiddiga Chelsea ee Cole Palmer ayaa iyaguna soo galay kaalmaha afraad illaa lixaad.

Phil Foden oo ku dhashay Stockport, ayaa noqonaya ciyaartoygii saddexaad ee Manchester City ah ee abaal-marintan ku guuleysta afartii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana sannadkii 2023 qaatay Erling Haaland, halka 2021 uu ku guuleystay Ruben Dias.

Dhinaca kale, Khadija Shaw ayaa iyaduna ku guuleystay abaal-marinta xiddigta sannadka ee FWA, waxaanay u dheeshaa xulka qaranka England iyo koxoda Manchester City.

Shaw oo ay d’adeedu tahay 27 jir ayaa noqotay ciyaartoyda ugu goolasha badan horyaalka haweenka Ingiriiska ee Women’s Super League iyadoo dhaliyey 21 gool 18 ciyaarood oo ay dheeshay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*