Seddex Waxyaabood Oo Pochettino Uu Sameeyay Oo Ka Caawiyay Chelsea Inay Garaacdo Tottenham


Chelsea ayaa kaalinta 8aad soo gashay ka dib markii ay xalay 2-0 uga badiyeen kooxda Tottenham oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge.

Goolal ay kala dhaliyeen Chalobah iyo Nicolas Jackson ayaa ka caawiyay Chelsea guusha iyadoo ay weli nooshahay rajada ay ka qabaan inay u soo baxaan tartamada Yurub.

Waxaan eegeynaa seddex waxyaabood uu saxay tababare Pochettino oo Chelsea ka caawiyay guusha.

Tottenham Ayuu Ciyaartooyda La Dheelay

Marka ay ciyaartoydaada u daadanayaan sida duqsigii dhaawacyo darteed, waxa ugu danbeeya aad rabto waa inaad ka hor timaado kooxda tababare Ange Postecoglou ee Tottenham kuwaasoo xilli ciyaareedkan dheelaya kubad xamaasadeeda aad u sareyso.

Bedelkii uu Pochettino difaac adag ka xiran lahaa islamarkaana uu kubad rogaalcelis ah ku gaadi lahaa, wuxuu Tottenham la ciyaaray kubadooda iyadoo Chelsea ay raacasho nafta uga riday Spurs, waxayna mar walba isku dayayeen inay kubada soo ceshtaan.

Tottenham ayaa xal u weysay fakfaktii Chelsea gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo Chelsea ay dhalin kartay goolal badan haddii ay ku fiicnaan lahaayeen dhanka dhameystirka.

Wuxuu Ka Faa’ideystay Halka Ay U Liidato Tottenham 

Tottenham waxay dhib ku qabtaa xilli ciyaareedkan inay difaacato kubadaha laadadka xorta ah iyo koornooyinka, waxaana tusaale igu filan sidii ay ugu dhibtoodeen karoosyadii Declan Rice kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Arsenal.

Pochettino ayaana bartilmaameedsaday halka ay liidato kooxdiisa hore iyadoo Chelsea ay dhalisay kubad laad xor ah ka soo bilaabatay oo ay tababarka ku soo sameeyeen. Laad xor ah uu soo qaaday ayaa keentay in Cucurella uu hakiyo Brennan Johnson oo raacanayay Chalobah taasoo u sahashay Chalobah uu kubad madax firaaqo ah dhaliyo.

VAR ayaa muddo dheer eegeysay haddii Cucurella oo qalad galay ka hor goolka laakiin waxay sheegeen in qaladka uusan kala cadeyn sidaas darteedna goolka loo ogolaaday.

Wuxuu Helay Hab Uu Cucurella Uga Soo Saaray Ciyaartiisa Ugu Fiican

Cucurella ma aheyn mid fiican tan iyo markii uu 60 milyan ginni uga soo wareegay Brighton. Waxa uu danbiile ku ahaa qaladaad badan oo uu sameeyay mana u muuqanin mid ku haboon kooxda tan iyo kulankii xalay.

Labadii isbuuc ee ugu danbeysay, Pochettino ayaa u muuqda mid helay qaacido uu qaab ciyaareedka ugu fiican uga soo saari karo xiddiga reer Spain. Cucurella ayaa buuxinayay booska daafaca dhexe marka ay Chelsea kubada heysato iyadoo Benoit Badiashile uu u dhaqaaqayo garabka bidix si uu u daboolo booskaas.

Go’aanka Pochettino ee uu daafacyadiisa garbaha uga dhigay inay boos bedeshaan marka ay kubada heystaan iyo marka ay raacanayaan ayaa sidoo kale culeyska ka yareysay khadka dhexe taasoo u ogolaatay Moises Caicedo iyo Gallagher inay xoriyad u helaan inay horay aadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*