Shanta Xiddig Ee Ugu Waa Weyn Man City Oo Sharci Cusub Ku Soo Rogay Kooxda & Sharciga Oo Dhaqan Galay


Ciyaartoyda Manchester City ugu waa weyn ayaa lagu waramayaa inay sharci adag oo ku saabsan halka gawaarida la dhigto ku soo rogay dhamaan ciyaartoyda kooxda.

Sida ay qortay jariirada Daily Mail, shanta xiddig ee hogaamiyayaasha ah ayaa haatan la yimid sharci cusub oo lagu tusayo ciyaartoyda aan khibrada laheyn maqaamkooda kooxda.

Waxaa la sheegay in Kyle Walker, Kevin de Bruyne, Ruben Dias, Rodri iyo Bernando Silva inay dhaqangeliyeen sharci cusub oo ku saabsan goobaha gawaarida la dhigto ee xarunta tababarka.

Waxaa haatan lagu saleeyay goobaha gawaarida la dhigto maqaamka ciyaartoyda iyo mudadii ay kooxda joogeen.

“Qof walba booska uu gaarigiisa dhiganayo waa loo calaamadeeyay, iyadoo xiddigaha sida Mateo Kovacic, Matheus Nunes iyo Jeremey Doku ay gawaarida dhigan karaan kaliya meel aad uga fog albaabka laga galo xarunta tababarka, halka ciyaartoyda ugu khibrada badan kooxda ay gawaarida dhigan karaan albaabka xarunta tababarka.” ayaa lagu yiri warbixinta Daily Mail.

Waa sharci aan horay uga jirin Manchester City, mana cadda sababta ay ciyaartoyda waa weyn u dhaqangeliyeen sharcigaan iyadoo la marayo gabagabada xilli ciyaareedka.

Si kastaba, ma ahan markii ugu horeysay ee koox Premier League ah ay yeelato sharci adag oo la xiriira gawaarida iyo goobaha baabuurta la dhigto.

Liverpool ayaa ciyaartoydeeda da’da yar ka saxiixda qodob ku jira qandaraaskooda oo dhigaya inaysan kaxeyn karin gawaari qaali ah oo waa weynb si ay ciyaartoyda u noqdaan kuwa diirada saara ciyaartooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*