Kooxda kubadda cagta Chelsea ayay ciyaartooyo la’aan ku dhacday, waxaana wadnaha farta ku haya tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Mauricio Pochettino oo kaliya haysta 10 ciyaartoy kulanka adag ee Tottenham.
Chelsea oo laba ciyaarood dheelaysa afar maalmood gudahood, waxa uu tababare Mauricio Pochettino ka walaacsan yahay sida ay ugu hammiyi karayaan inay guulo kasoo hooyaan kulanka caawa ee Tottenham iyo ciyaarta xigta ee West Ham ee Axadda.
Dhaawacyo xilli-ciyaareedka oo dhan ay la daalaa-dhacayeen ayaa kusii kordhay Chelsea, waxaana dibedda ka jooga ku-dhowaad 20 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo aan qayb ka noqonaynin kulanka caawa, sidoo kalena uu shaki ku jiraa taam ahaanshahooda ciyaarta derbiga ah ee West Ham oo ay ka wada dhisan yihiin magaalada London.
Levi Colwill, Wesley Fofana, Reece James, Romeo Lavia, Christopher Nkunku, Lesley Ugochukwu iyo Robert Sanchez ayaa dhamaantood dhaawacyo waqti dheer ah ku maqnaa, waxaase raacay oo iyaguna dhaawac ah waqtigan Carney Chukwuemeka, Enzo Fernandez, Ben Chilwell, Raheem Sterling iyo Malo Gusto oo usbuucyo jiifaya.
Thiago Silva ayaa dib ugu laabtay dhaawac ciyaartii barbarraha 2-2 ay la galeen Aston Villa, sidoo kalena Axel Disasi ayaa ayaa isaguna liiska dhaawacyada galay.
Qiimaha ciyaartoyda ka dhaawacan Chelsea ayaa lagu sheegay £526 milyan oo Gini, waana lacagtii ay kooxdu kasoo bixisay.
Kaliya toban ciyaartoy oo kooxda koowaad ah ayaa taam u ah waqtigan, waana Djordje Petrovic, Benoit Badiashile, Trevoh Chalobah, Marc Cucurella, Moises Caicedo, Conor Gallagher, Cole Palmer, Nicolas Jackson, Noni Madueke iyo Mykhailo Mudryk.
Be the first to comment