DEG-DEG: Real Madrid Iyo Barcelona Oo Laga Mamnuucayo Champions League & Xulka Spain Oo Loo Diirayo Tartanka Euro 2024


Labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa laga mamnuuci doonaa inay kasoo qayb-galaan tartanak Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe, sidoo kalena waxa la garanaaxayaa xulka qaranka Spain oo loo diidi doono inay ka qayb-galaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 lagu qaban doono waddanka Germany.

Xidhiidhka kubadda cagta UEFA iyo sidoo kale FIFA ayaa gacanta ku haya kiis ka dhan ah xidhiidhka kubadda cagta Spain, waxaana sidoo kale miiska saaran in waddanka Spain loo diido martigelinta Koobka Naadiyada Adduunka 2030 oo hore loogu sii go’aamiyey.

FIFA iyo UEFA ayaa waxa ay ku haystaan xidhiidhka kubadda cagta Spain in ay dawladdu farogelin ku samaysay markii uu Madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaasi uu fagaare ku dhunkaday ciyaartoy ka tirsan kooxda haweenka dalkaas.

Madaxweynaha Golaha Ciyaaraha ee sare ee Spain ee Jose Manuel Rodriguez-Uribes ayaa warqad cabasho ah oo la xidhiidha arrintan u diray UEFA iyo FIFA, si ay u dhegaystaan sharraxaadda sababta loogu baahday inay farogeliyaan xidhiidhka kubadda cagta dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, FIFA iyo UEFA ayaa go’aankooda la sugayaa bisha May ka hor inta aanu bilaabmin tartanka Euro 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*