Tababaraha cusub ee ay Liverpool sugayso ee Arne Slot ayaa raaci doona raadka tsagaal tababare oo reer Netherlands ah oo kasoo shaqeeyey horyaalka Premier League, kuwaas oo uu isagu ku noqon doono macallinkii 10aad ee dalkaas kasoo jeeda ee layliya koox Ingiriis ah.
Slot ayaa la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono inuu yahay macallinka cusub ee Liverpool ee beddelaya Jurgen Klopp oo bishii January sii sheegay inuu ka tegayo Anfield dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Sagaalkii tababare ee reer Holland ee kaga soo horreeyey horyaalka Premeir League ayaanu midkoodan ku guuleysanin horyaalka, inkasta oo Louis van Gaal iyo Erik ten Hag ay ka shaqeeyeen Manchester United oo 20 horyaal oo Premier League ah ku guuleysatay laakiin ay iyagu awoodi waayeen inay horyaalka la qaadaan.
Tababareyaasha reer Holland waxa ay qaarkood ku guuleysteen tartanka FA Cup, balse waxa ay dhamaantood ka sinnaayeen in ay ka qatanaayeen horyaalka Premier League, laakiin Arne Slot ayaa waxa u taalla shaqo adag oo ah inuu jabiyo darbiga tababareyaasha dalkiisa ka haysta ku guuleysiga Premier League.
Tababarihii ugu horreeyey ee reer Netherlands ee ka shaqeeya horyaalka Premier League waxa uu ahaa halyeygii Chelsea iyo AC Milan ee Ruud Gullit oo Blues tababare iyo ciyaartoyba usoo noqday intii u dhaxaysay 1996 illaa 1998kii, sidoo kalena Newcastle tababaray xilli-ciyaareedkii 1998-99.
Tababareyaasha xigay ee reer Netherland/Holland ee aan ku guuleysanin horyaalka Premier League ayaa kala ahaa Martin Joel oo layliyey kooxaha Tottenham iyo Fulham, Guus Hiddink oo Chelsea tababare ku-meelgaadh ah u noqday sannadkii 2009 iyo sidoo kale xilli-ciyaareedkii 2015-16, Rene Meuslensteen oo Fulham layliyey xilli-ciyaareedkii 2013-14, Ronald Koeman oo Southampton iyo Everton tababare usoo noqday, Louis van Gaal oo Manchester United layliyey xilli-ciyaareedkii 2014-16, Dick Advocaat oo ahaa macallinka Sunderland sannadkii 2015, Frank de Boer oo Crystal Palace laylinayey sannadkii 2017 iyo Erik ten Hag oo ah tababare Manchester United ee xagaagii 2022 illaa hadda.
ArneSlott ayaa noqon doona tababarihii tobnaad ee reer Holland ah, balse waxaase u taalla inuu jabiyo inkaarta tababareyaasha dalkiisa ka haysata ku guuleysiga Premier League.
Be the first to comment