11ka ciyaaryahan ee uu Carlo Ancelotti soo safayo kulanka caawa ee Bayern Munich ee Allianz Arena si weyn ugama duwanaan doonaan shaxdii uu soo safay kulankii Etihad ee uu soo saartay semi-finalka Champions League.
Hal bedel ayaa lagu qasbi doonaa waana Lucas Vazquez oo ka ciyaari doona booska daafaca midig madaama Carvajal oo qaatay jaalihiisii seddexaad kulankii City uu ganaax ku seegayo kulanka caawa.
Waxaa sidoo kale jirta shaki laga qabo booska uu ka ciyaarao Tchouameni haddii uu ka dheelayo khadka dhexe ama haddii uu daafaca dhexe ka ciyaarayo. Carlo Ancelotti ayaa shirkiisa jaraa’id ku yiri: “Tchouameni wuxuu ciyaarayaa berri. Halkee ayuu ka ciyaarayaa? ma garanayo”.
Nacho oo qaab ciyaareed fiican ku jira islamarkaana aamusiyay Erling Haaland kulankii City ayaa ka dhigaya Ancelotti mid shaki ka qaba xiddiga uu ka garab ciyaarsiinayo Rudiger.
Ancelotti waxaa hortaala kala doorasho ah inuu da’ yarka ka sii ciyaarsiiyo booska daafaca dhexe ama inuu xiddiga Faransiiska geeyo booska daafaca dhexe madaama uu kulankii Manchester ku maqnaa ganaax.
Kala doorashada Nacho iyo Tchouameni waxay sidoo kale saameyn ku yeelan doontaa Camavinga. Haddii Tchouameni uu ka dheelo daafaca, Camavinga wuxuu ku soo bilaaban doonaa shaxda, laakiin haddii Tchouameni uu ka dheelo khadka dhexe, Camavinga wuxuu galayaa kursiga keydka.
Inta kale soo hartay booskooda wuu cad yahay. Lunin ayaa goolka ku soo bilaabanaya. Rudiger waa laf labarta daafaca halka Mendy uu ku soo laabanayo booska daafaca bidix madaama uu dhaawac ku maqnaa labadii kulan ee ugu danbeysay.
Khadka dhexe marka laga soo tago cida ciyaareysa Tchouameni ama Cavaninga waxaa sidoo kale dheeli doona Kroos, Valverde iyo Bellingham. Afka hore waa labada xiddig reer Brazil Rodrygo iyo Vinicius Jr.
Real Madrid XI: Lunin; Lucas Vázquez, Rüdiger, Nacho ama Tchouameni, Mendy; Valverde, Tchouameni ama Camavinga, Kroos, Bellingham; Rodrygo, Vinicius .
Be the first to comment