Premier League Oo Soo Rogay Sharci Cusub Oo Ay SADDEX Kooxood Diideen


Horyaalka waddanak Ingiriiska ee Premier League ayaa dhaqan-gelinaya sharci cusub oo kooxaha ka xakamayn doona lacagaha tirada badan ee ay kharash garaynayaan, waxaana sharcigan u codeeyey inta badan kooxaha horyaalka Premier League,  halka saddex kalena ay kasoo horjeedsadeen.

Manchester United ayaa ka mid noqotay saddex kooxood oo diiday dhaqan-gelinta sharcigan cusub oo u diidi doona inay lacago badan suuqa ku kharash gareeyaan.

Faahfaahin badan lgama hayo sida uu u shaqayn doono sharcigan cusub, laakiin wararka ay warbaahintu helayso ayaa sheegaya, in uu xakamayn doono lacagta ay kooxuhu kharash garaynayaan sida iibka ciyaartoyda, lacagaha la siinayo wakiillada ciyaartoy iyo mushaharka ay kooxdu bixinayso intaba.

Sida uu qoray wargeyska The Times, labada kooxood ee isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City oo lagu daray Aston Villa ayaa diiday in sharcigan cusub, hase yeeshee Chelsea yaaa iyaduna aan dhinacna raacin oo ka aamustay codaynta.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa war uu soo saaray ku sheegay, in uu sugayo in Premier League uu usoo gudbiyo sharcigan oo faahfaahsan ka hor inta aan la dhaqan-gelinin.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay adkaan doonto in la jaangooyo mushaharka ciyaartoyda oo kooxaha loo jeexo layn aanay ka gudbi karin, sida horyaalka Spain oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*