Muxuu Yahay Codsiga Layaabka Leh Ee Ay Bayern Munich U Dirtay Taageereyaasheeda Ka Hor Kulanka Real Madrid?


Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa garab weydiisatay taageereyaasheeda ka hor ciyaarta Real Madrid ee lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Salaasada, si ay ugu sii shaqaysan karaan garoonkooda Allianz Arena.

Bayern Munich oo garoonkeeda lagu ciyaarayo lugta hore, ayaa waxa ay halgan adag u geli doontaa sidii ay libinta u qaadan lahayd isla markaana ugu gudbi lahayd finalka oo ay koobka ugu guuleysan lahayd, maadaama dhamaan tartamadii kale ay faro madhan ka joogaan.

Munich ayaa waxa ay wareeggii siddeedda kusoo reebtay Arsenal, halka Real Madrid ay rikoodheyaal kaga takhalustay Manchester City, waxaana midkooda soo gudba Munich iyo Madrid ay finalka isku haleeli doonaan PSG iyo Borussia Dortmund midkooda soo adkaada.

Bayern Munich oo horyaalka Bundesliga ee ay 11ka sannadood ee xidhiidhka ah ku guuleysatay ay Bayer Leverkusen ka qaadday sannadkan, sidoo kalena ay kooxda yar ee heerka saddexaad ee Saarbrucken ay ka reebtay koobka DFB-Pokal, waxa ay taageereyaasheeda ka codsatay in dhamaantood ay soo xidhaan dhar midabkoodu casaan yahay, amaba maryo casaan ah.

War-saxaafadeed lagu baahiyey website-ka Bayern Munich ayaa waxa lagu sheegay in loo baahan yahay in astaanta kooxdu ay garoonka qariso, iyadoo sidoo kalena farriintan lasoo raaciyey sawirka Thomas Muller.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*