DEG-DEG: Manchester United Oo Daqiiqado Kooban Lagu Dumiyey Iyadoo SADDEX Gool Haysata


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xajisan weyday guul 3-0 ah oo gacanteeda ku jirtay oo u diri lahayd finalka FA Cup, balse waxa ay ogolaadeen in kooxda heerka labaad ee Coventry City ay waqti dambe ka daba timaaddo oo ay saddexda goolba keento.

Manchester United oo garoonka Wembley Stadium ay isku haleeleen Coventry City ayaa la filayey inay xilli hore finalka kula ballami doonto Manchester City oo Sabtidii si cidhiidhi ah kaga badisay Chelsea.

Laakiin Red Devils ayaa is-dhiibtay dhamaadkii oo u qaadatay in aanay Coventry ka daba iman karaynin, waxaase ku dhacay argagax, waxaana 90kii daqiiqaddood ay kusoo dhamaadeen 3-3 taas oo keentay in lagu daro 30 daqiiqadood oo dheeraad ah.

Manchester United ayaa qaybtii hore ay laba gool u dhaliyeen Scott McTominay iyo Harry Maguire, markii lagu soo noqday qaybta labaadna waxa ciyaarta 3-0 ka dhigay Bruno Fernandes, hase yeeshee daqiiqadihii 71aad iyo 79aad ayay Simms iyo O’Hare laba gool u keeneen Coventry City, halka daqiiqadihii dheeraadka ahaa rikoodhe loo dhigay Coventry City markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Aaron Wan-Bissaka, waxaana rikoodhahan gool u beddelay Haji Wright.

30 daqiiqadood oo dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta ayaa lagu go’aamin doonaa natiijada ciyaarta, haddii ay ku kala bixi waayaanna waxa loo dhigi doonaa rikoodheyaal.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*