Manchester United Oo Xaraashaysa Dhamaan Ciyaartoydeeda & SADDEXDA Xiddig Ee Kaliya Ee Laga Reebayo


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaraashaysa dhamaan ciyaartoydeeda marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ee foodda inagu soo haya, waxaana kaliya laga reebi doonaa saddex ciyaartoy oo uu hormood u yahay da’yarka Kobbie Mainoo.

Sir Jim Ratcliffe oo ah maamulaha Manchester United iyo saamiile 25% iska leh mulkiyadda kooxda ayaa mar horeba bilaabay sidii uu isbeddel ugu samayn lahaa kooxda, waxaana uu keenay Omar Berrada iyo Jason Wilcox oouu u magacaabay agaasimaha fulinta iyo agaasimaha farsamada, kuwaas oo hagi doona naadiga.

Dan Ashworth oo ah agaasimaha ciyaaraha Newcastle United ayaa isagana la filayaa in uu iman doono Old Trafford, waxaana hawlgalkooda ugu horreeya uu noqon doonaa in ay kooxda ka diraan ciyaartoyda culayska dhaqaale ku haya ee aan manfaca u lahayn.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, dhamaan ciyaartoyda Manchester United ayaa la xaraashi doonaa, qaarkoodna waxa ay ku bixi doonaan bilaash, balse waxa laga reebayaa saddex ciyaartoy oo kaliya oo ah Kobbie Mainoo, Rasmus Hojlund iyo Alejandro Garnacho.

Manchester United oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ciyaartooyo cusub ku kharash garaysay lacag ka badan £555 milyan oo Gini, ayaa waxa saaran culaysyo dhaqaale oo u diidaya inay ciyaartooyo cusub soo iibsato iyadoon xiddigaheeda hore meesha ka saarin.

Labada ciyaartoy ee Jamal Musiala oo Bayern Munich ah iyo Florian Wirtz oo u dheela Bayer Leverkusen ayaa Manchester United ay dhaxda u xidhan doontaa sidii ay ula soo wareegi lahayd, iyadoo u isticmaali doonta lacagta Marcus Rashford oo lagu daray liiska xiddigaha la xaraashayo.

Waxa kale oo Manchester United ay iska diri doontaa Anthony Martial, Raphael Varane, Brandon Williams, Jadon Sancho, Antony, Mason Greenwood, Victor Lindelof, Christian Eriksen, Donny van de Beek iyo Casemiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*