Man United Oo Seddex Wargeys Oo Waa Weyn Ka Mamnuucday Inay Su’aalo Weydiiyaan Erik ten Hag & Sababta Ka Danbeysa


Seddex ka mid ah wargeysyada ugu waa weyn Ingariiska ayaa laga mamnuucay inay su’aalo weydiiyaan tababare Erik ten Hag shirkiisii jaraa;id ee ugu danbeysay.

Tababaraha Manchester United ayaa la dagaalay joornaaliistayaasha ka dib markii ay kooxdiisa ka badisay Coventry City semi-finalkii FA Cup ee Axadii la soo dhaafay, isagoo si gaar ah uga xanaaqay in guusha kooxdiisa ee rigoorada aheyd lagu tilmaamay mid ceeb ah.

Tababaraha reer Holland ayaa qoraalada wargeysyada ku tilmaamay kuwa sharaf dhac ah, isagoo sidoo kale difaacay Antony oo lagu eedeeyay inuu ku hor dabaaldegay ciyaartoyda kooxda heerka labaad ka dib guushoodii.

Ka hor kulankooda ay Sabtida la ciyaarayaan Burnley, Ten Hag ayaa talaabo ka qaaday wargeysyadii dhaleeceeyay kooxdiisa ka dib guushii FA Cup.

Tababaraha ayaa diiday inay su’aalo weydiiyaan The Sun, Manchester Evening News iyo Daily Mirror iyadoo laga mamnuucay inay su’aalo weydiiyaan tababaraha intii uu socday shirka jaraa’id.

Ka dib kulankii semi-finalka, wariye u shaqeeya Manchester Evening News ayaa baraha bulshada ku soo qoray qoraal uu ku baaqayo in la ceyriyo Ten Hag isagoo yiri: “Ten Hag kuma badbaadin karo tan. Waa inuu baxo sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Kulankooda finalka FA Cup ee ay la ciyaarayaan Man City waa finalkii seddexaad ee uu Ten Hag uu ciyaaro labo xilli ciyaareed gudaheed tan iyo markii uu kooxda ku biiray xagaagii 2022kii.

Wuxuuna sheegay inay tahay in United lagu amaano guulaha ay ka gaareyso koobabka maxaliga ah bedelkii lagu ceebeyn lahaa guul ay gaareen.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*