Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Manchester United Marka Uu La Wareego Thomas Tuchel?


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay in ay go’aansatay in ay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag, waxaanay la xidhiidheen macallinka kasii baxaya Bayern Munich ee Thomas Tuchel oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan macasalaamayn doona Allianz Arena.

Sir Jim Ratcliffe ayaa lagu soo warramayaa in uu qaatay go’aanka uu ku eryayo Ten Hag intii ay socotay ciyaartii Axaddii ee semi-finalka FA Cup ee ay rikoodheyaasha kaga adkaadeen Coventry City, markaas oo uu ku qancay in aanu Erik ten Hag wax guul ah u keeni karaynin naadiga ugu guulaha badan horyaalka Premier League.

Zinedine Zidane ayaa hore loo hadal-hayey in uu Sir Jim Ratcliffe magacaabi doono, hase yeeshee wargeyska Kicker ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa ogaaday in maalqabeenka Ingiriisku uu la xidhiidhay Tuchel oo uu ka shaqaynayo sidii uu Old Trafford u keeni lahaa.

Kaddib warkan, waxa la isweydiiyey sida ay noqon doonto shaxda ay Manchester United ku ciyaari doonto xilli-ciyaareedka soo socda haddii uu Thomas Tuchel noqdo tababaraha cusub ee kooxdaas, iyo waxa laga yeelayo ciyaartoyda hadda ee saluugga badan laga muujinayo.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Thomas Tuchel ayaa ManchesterUnited kusoo kordhin doona saddex ciyaartoy oo kala ah Tasoba oo difaaca dhexe uga ciyaara Bayer Leverkusen, difaaca bidix ee Girona ee Miguel Gutierrez iyo Marcus Thuram oo u dheela Inter Milan.

Waxa kale oo uu Thomas Tuchel dib ugu soo celin doonaa Old Trafford xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo uu hore ugu soo layliyey Borussia Dortmund haddana amaah ugu laabtay isla kooxdaas markii ay is-fahmi waayeen Erik ten Hag.

Halkan kaga bogo saadaasha sida ay noqonayso shaxda Borussia Dortmund

Potential United XI (4-2-3-1): Onana; Dalot, Tapsoba, Martinez, Gutierrez; Mainoo, Thuram; Sancho, Fernandes, Garnacho; Hojlund.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*