Carlo Ancelotti Iyo Thomas Tuchel Oo Sii Magacaabay Ciyaartoyda Goolasha U Dhalinaya Habeen Dambe


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa u jawaabay dhiggiisa Bayern Munich ee Thomas Tuchel oo maanta sii magacaabay ciyaartoyga u dhalin doona goolasha kulanka lugta hore ee semi-finalka Champions League ee habeen dambe labadan kooxood ku dhaxmari doona garoonka Allianz Arena.

Thomas Tuchel oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in kooxdiisa uu goolal u dhalin doono xiddiga reer Germany ee Serge Gnabry, balse aanu garanayn tirada goolasha uu dhalinayo laacibkan oo kasoo noqday dhaawac gaadhay ciyaartii Arsenal ee lugtii hore oo uu gool dhaliyey.

Bayern Munich oo sidoo kale ay dib ugu soo laabteen Jamal Musiala iyo Laimer oo isaga dhaawac lagaga saaray ciyaartii Sabtidii, ayaa waxa Tuchel oo ka hadlayey uu yidhi; ‘Serge Gnabry gool ayuu dhalin doonaa  berri. Way dhici doonaa. Ma garanayo sida aan ku ogaaday, laakiin wuu dhalin doonaa.”

Carlo Ancelotti ayaa shirkiisii jaraa’id ee uu isaguna ku qabtay magaalada Munich, waxa uu ugu jawaabay Thomas Tuchel, waxaana uu ku duray hadallo kaftan ahaa, isaga oo yidhi: “Hagaag, anigu waxa aan odhan karaa Vinicius Junior ayaa fursadaha goolasha ka badnaanaya Mendy.”

Ruug-caddaagan Talyaaniga ah ayaa waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in uu ciyaarta Bayern Munich kusoo bilaaban doono xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League ee ay rikoodheyaasha kaga adkaadeen Bayern Munich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*