Labada Shuruudood Ee Ay Manchester United Ku Iibinayso Marcus Rashford Oo La Shaaciyey


Wariyaha ciyaaraha ee David Ornstein oo ka tirsan wargeyska The Athletic oo looga dambeeyo xogta kubadda cagta, ayaa waxa uu shaaciyey laba shuruudood oo ay Manchester United ku iibinayso xiddiga reer England ee Marcus Rashford, kaas oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda ay xaraashayso Red Devils marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagu.

Manchester United ayaa sidii aanu hore idiinku soo gudbinay waxa ay go’aamisay inay xaraashto dhamaan ciyaartoydeeda marka laga reebo saddexda ciyaartoy ee Kobbie Mainoo, Rasmus Hojlund iyo Alejandro Garnacho oo lama-taabtaan u ah Sir Jim Ratcliffe.

Marcus Rasfhord oo 40 ciyaarood oo uu u saftay Manchester United xilli-ciyaareedkan u dhaliyey siddeed gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday oo niyad-jab badan ay ka muujiyeen taageereyaashu ayaa ka mid noqday ciyaartoyda lagu daray liiska xaraashka.

26 jirkan oo qandaraas cusub oo uu sannadkii hore u saxeexay Manchester United uu soconayo illaa sannadka 2028, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid tahay Paris Saint-Germain oo u aragta beddelka ugu habboon ee Kylian Mbappe oo la sheegay inuu heshiis la gaadhay Real Madrid.

Sida uu sheegay David Ornstein, Manchester United waxay ku iibin doontaa Marcus Rashford laba shuruudood oo midda hore tahay, in uu yimaaddo dalab lacag badan leh iyo midda labaad oo ah in uu xiddigani codsado in la fasaxo ama la iibiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*