Jamaahiirta Arsenal Oo Ka Ooyey Garamada Kooxdaas Ee Calaamadaha Afrika Lagu Muujiyey


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa murugo iyo qarraxan ku tilmaamay dharka ay ciyaartoyda kooxdaasi xidhan doonto kulamada ay martida yihiin ee xilli-ciyaareedka dambe, kuwaas oo maanta lasoo dusiyey.

Footy Headlines ayaa maanta soo bandhigtay sawirrada garamada Arsenal ee kulamada ay martida yihiin ee tartamada maxalliga ah ee Premier League, FA Cup & Carabao Cup iyo waliba tartamada Yurub ee ay dibedda uga bixi doonaan garoonkooda xilli-ciyaareedka 2024-25.

Garamada ayaa midabkoodu uu noqon doonaa madow lagu xardhay saddex layn oo laba ay akhtar yihiin iyo mid casaan ah oo ka turjumaya calaamadda kooxda, halka xabbadkana ay kaga xardhan yihiin magacyada shirkadaha ay xayaysiinayso, calaamadda kooxda iyo shirkadda dharkan samaysay ee Adidas.

Isla markii ay soo baxeen sawirrada garamadani, waxa caloolyoow soo bandhigay jamaahiirta kooxda oo dalbaday in si adegdeg ah loo beddelo, sidoo kalena la caydhiyo shirkadda dharka samaysa oo ay ku tilmaameen mid fool-xumo usoo jiidaysa naadiga.

Dadka qaarkood ayaa ku dooday in midabka dharkan loo ekaysiiyey cadarka ‘Lynx Africa’, halka kuwo kalena ay qoraallo kusoo gudbiyeen in uu jiro isku-dhaxyaac iyo fool-xumo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*