Chelsea Oo Loo Sheegay SADDEXDA Meelood Ee Ay Iska Xoojinayso Xagaaga & Go’aanka Ay Ka Qaadanayso Pochettino


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa loo sheegay, in aanay shaqada ka eryin tababare Mauricio Pochettino laakiin ay sameeyaan saddex saxeex oo dhalan-rogi karaya isla markaana isbeddel weyn ku samayn doona kooxdaas xilli-ciyaareedka dambe.

Mauricio Pochettino ayaa waxa saaran cadaadis badan iyadoo kooxdiisu ku jirta kaalinta sagaalaad oo 19 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Aston Villa.

Nicolas Jackson ayaa canaan badan loo jeediyey xilli-ciyaareedkan, inkasta oo 22 jirkan oo ku cusub Chelsea uu dhaliyey 13 gool oo dhamaan tartamada ah, laakiin lagu haystaa fursadaha uu khasaariyey oo dhawr jeer kusoo laban-laabmaya goolasha uu dhaliyey, waxaana si gaar ah farta loogu fiiqay semi-finalkii FA Cup ee Manchester City.

Halyeyga reer England ee Gary Neville oo farriin u diray maamulka Chelsea ayaa usoo jeediyey inay la saxeexdaan weeraryahan dhexe, goolhaye iyo difaac dhexe oo beddela Thiago Silva oo maanta ku dhawaaqay inuu ka tegayo kooxdaas.

Gary Neville ayaa yidhi: “Anigu run ahaantii waan jecelahay Nicolas Jackson, waxaana uu qaban karayaa waxyaabo badan, laakiin wali da’diisu way yar tahay. Waxa aan u malaynayaa in aanay lacag badan kusoo kharash garaynin Chelsea balse goolashiisa oo yar ayaa waxa ay Blues u baahan tahay inay hesho weeraryahan kale.”

Wax akale oo uu Gary Neville sheegay in difaaca dhexe iyo goolkaba ay Chelsea u baahan tahay inay saxeexyo cusub keensato, waxaanu yidhi: “Haddii ay helaan saddex saxeex oo sax ah xagaaga, way tartami kari doonaan. Waa weeraryahan, difaac dhexe oo beddela Thiago Silva iyo goolhaye, waa saddexdaas boos meelaha ay tahay inay iska xoojiyaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*