Ciyaartoy Aan La Garanayn Oo Lagu Daray Liiska Xiddigaha Real Madrid Ee Ka Degay Waddanka Germany


Ciyaartoyda Real Madrid ayaa maanta gaadhay waddanka Germany oo ay semi-finalka Champions League kula ciyaarayaan kooxda Bayern Munich oo lugta hore ay marti u noqonayaan, waxaana tababare Carlo Ancelotti uu u yeedhay oo safarka kooxdiisa qayb ka noqday Jeremy de León oo ay weeraryahan da’yar ah.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Munich ayay taageereyaal badan kusoo dhoweeyeen Real Madrid oo wareeggii siddeedda rikoodheyaal kusoo reebtay Manchester City, waxaana ay Los Blancos kulankan u xulatay goolhaye Thibaut Courtois oo kasoo laabtay dhaawac kaas oo aan la hubin inuu ciyaari doono iyo inuu kaydka fadhiyi doono maadaama uu xilli-ciyaareedka oo dhan maqnaa oo aanu xataa hal kulan dheelin.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa waxa ay hadal-haysaa Jeremy de León oo si lama filaan ah diyaaradda u koray maanta oo ka degay Munich, isaga oo aan waliba ku jirin liiska ciyaartoyda kooxda ee ay kooxdu hore u shaacisay.

Jeremy de León waa weeraryahan 20 jir ah oo u dheela kooxda da’yarta Real Madrid, waxaana uu u dhashay Puerto Rica, waxaana uu noqon doonaa ciyaartoyda kooxda ee garoonka Allianz Arena ka daawand oona kulankan.

Waxa laacibkan sidan oo kale loogu yeedhay safarkii ay kooxdiisu ku tagtay Manchester City lugtii labaad ee wareegga siddeedda.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa waxa ka maqan David Alaba oo dhaawac u jiifaya xilli-ciyaareedka oo dhan iyo Dani Carvajal oo ganaax kaga maqnaanaya ciyaarta Salaasada ee lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*