“Real Madrid Waa Koox Cajiib Ah, Maanta Oo Dhan Baad Kubadda Ka Haynaysaa, Laakiin…” – Bernardo Silva Oo Runta Ka Sheegay Real Madrid


Xiddiga Manchester City ee Bernardo Silva ayaa koox cajiib ah ku tilmaamay Real Madrid oo ku reebtay wareeggii siddeedda Champions League, waxaana uu ku tilmaamay naadi ogolaada in inta badan ay kooxda kale ciyaarto kubadda oo ay maamulato, laakiin laba weerar oo ay qaadaan ku keena guusha kooxdooda.

Bernardo Silva oo rikoodhe ka khasaariyey kooxdiisa ciyaartii Real Madrid ee lugta labaad, isla markaana sababta guul-darrada kooxdiisa qayb ku lahaa, ayaa waxa uu ka sheekeeyey tayada ay haysato Real Madrid oo safar ugu tagtay magaalada Munich oo ay kula soo ciyaarayso Bayern Munich lugta hore ee wareegga semi-finalka Champions League.

Laacibka reer Portugal oo waraysi siiyey wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa yidhi: “Real Madrid waa koox cajiib ah. Mararka qaarkood waxay u muuqanaysaa in aad kubadda ka haysatid ciyaarta oo dhan oo aanay meelna tegi karaynin, laakiin laba jeer ayay weerar degdeg ah soo qaadayaan, waxaanay kaa dhalinayaan laba gool, sababtoo ah waxay haystaan ciyaartooyo shaqsi-shaqsi u fiican.

“Waa kuwo orodkoodu dheereeyo oo ku xooggan weerarka rogaal-celiska ee degdegga ah, sidaa daraadeed way adag tahay in la joojin karo.”

Bernardo Silva oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Haddii aad in badan weerarto, waxa aad arkaysaa iyaga oo dhabarkaaga sii ordaya. Haddii aanad ciyaartooyo badan ku weerarinna, waxa aad noqonaysaa kuwo aan weerar habboon ku qaadin iyaga. Markaa, way adag tahay inaad go’amadan qaadato marka aad la ciyaarayso.’

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*