Madaxweynaha horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee Javier Tebas ayaa shaaciyey qorshaha iyo waqtiga ay ciyaari doonaan Real Madrid iyo Barcelona kulamo la sugayo oo taariikhda geli doona, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay taagnayd xurguf ka dhalatay ciyaartii labadan kooxood ee Axaddii oo Barcelona laga diiday gool uu dhaliyey Lamine Yamal, taas oo keentay in Joan Laporta uu saxaafadda u sheego inay ka fiirsanayaan inay dalbadaan in lagu celiyo ciyaartaas.
Real Madrid iyo Barcelona oo ah labada kooxood ee calaamadda u ah kubadda cagta Spain, ayaa bilaabi doona qorshe cusub oo ah in kubadda horyaalka loo dhoofiyo dalal kale oo lagu soo ciyaaro.
Javier Tebas oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay qorshaynayaan in laga bilaabi xilli-ciyaareedka 2025/26 ay labadan kooxood kulamadooda horyaalka qaybo ka mid ah ay kusoo ciyaari doonaan waddanka Maraykanka, halkaas oo loo guurinayo kubadda cagta Spain.
LaLiga ayaa shaaciyey, in tiro sannado ah ay ka shaqaynayeen in kulamada horyaalkooda qaarkood lagu soo ciyaaro waddanka Maraykanka, iyagoo sannadkii 2018 isku dayey in ciyaar u dhaxaysay Barcelona iyo Girona lagu dheelo magaalada Miami, laakiin waxa arrintaas ka hor yimid xidhiidhka kubadda cagta Maraykanka iyo FIFA.
Be the first to comment