Fabio Capello Oo Magacaabay Xiddiga Adhaxda Ka Jabinaya Xulka England Ee Ka Joojinaya Inay Ku Guuleystaan Euro 2024


Fabio Capello ayaa magacaabay ciyaartoy Ingiriis ah oo uu rumaysan yahay in xulka qaranka England uu ka galaafan doono inay ku guuleystaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee badhtamaha sannadkan lagu qabanayo waddanka Germany.

Ruug-caddaaga Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay, in uu jiro hal ciyaartoy oo sabab u noqon doona in Ingiriisku ay oohin iyo murugo kala soo laabtaan tartankaas.

Xulka tababare Gareth Southgate oo ka mid ah waddamada loogu saadaalinayo EURO 2024 ayaa waxa uu Fabio Capello saluug ka muujinayaa xulashadiisa gaar ahaan hal ciyaartoy oo uu tilmaamay inuu dhibaato ku noqon doono.

England oo timid finalkii Euro 2020 oo uu Faransiisku rikoodheyaal kaga qaaday koobka ayaa waxa Fabio Capello oo hore usoo layliyey uu yidhi: “Anigu uma malaynayo in ay Ingiriisku ku guuleysan doonaan koobkoodii ugu horreeyey tan iyo 1966kii, sababtoo ah waxa jira hal ciyaartoy oo galaafan doona.

“Anigu waan jecelahay xulka England. Khadkooda dhexe iyo weerarkoodu waa kuwa ugu fiican, waxay haystaan Jude Bellingham, Harry Kane, Bukayo Saka. Laakiin dhibaatadoodu waa difaaca iyo goolhayaha.

“Difaaca dhexe waa diciif mana aha heerka xulalka kale ee la tartamaya. Waxa uu shaki igaga jiraa difaaca iyo goolhaye Jordan Pickford. Mararka qaarkood wuu fiican yahay, laakiin wuxuu u baahan yahay kalsooni waxaanay ila tahay inuu ka galaafan doono koobka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*