Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka & Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Garaacday Wolves


Heerkan oo kale xilli ciyaareedka waxa ugu muhiimsan waa natiijada. Kooxda Arteta ma aysan soo bandhigin ciyaartoodii ugu fiicneyd xalay laakiin waxay gaareen guul muhiim ah iyagoo ka soo kabsaday labo guuldarro ioo isku xigta ka hor kulamada ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka Premier League.

Waxay hal dhibic ka sareeyaan City inkastoo kooxda Pep Guardiola ay kulan u harsan tahay, waxayna u noqon doontaa Arsenal niyad dhis weyn iyagoo ciyaari doona ka hor inta aysan City dheelin kulan kale oo Premier League ah.

XIDDIGA GAROONKA – DECLAN RICE (ARSENAL)

Rice ayaa saameyn xoogan lahaa difaacashada iyo weerarka ciyaarta oo dhan, isagoo abuuray fursadihii ugu badnaa ciyaarta oo shan gaarayay, waxa uu hormuud ka ahaa dhowr weerar oo ay Arsenal sameysay isagoo khadka dhexe kubada ka soo dhisayay.

Tayada Declan Rice waxay aheyd mid muuqata, wuxuu sidoo kale gaashaan u ahaa afarta daafac danbe kuwaasoo aan dhibaato badan wajihin. Waxaa sidoo kale soo martay fursado uu gool ku dhalin karay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Wolves: Sa 6, S. Bueno 5, Kilman 6, T. Gomes 5, Doherty 7, Traore 7, J. Gomes 6, H. Bueno 6, Chirewa 6, Doyle 6, Hwang 6

Bedel: Ait Nouri 5, Lemina 6, Sarabia 6

Arsenal: Raya 7, White 7, Saliba 7, Gabriel 7, Kiwior 7, Odegaard 8, Rice 8, Havertz 7, Saka 7, Jesus 8, Trossard 8

Bedel: Partey 6, Martinelli 6

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*