“Deg-deg Haloo Iibiyo…” – Jamaahiirta Chelsea Oo Dalbaday In Laga Caydhiyo Kooxdooda Xiddig Fursado Ka Lumiyey


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa cadho kula dul-dhacay xiddiga reer Ivory Coast ee Nicolas Jackson oo ay dalbadeen in laga caydhiyo kooxda xagaaga soo socda, kaddib markii uu fursado badan lumiyey ciyaartii Manchester City ee semi-finalka FA Cup.

Chelsea ayaa la kulantay guul-darro 1-0 ah iyadoo heshay fursado badan, waxaana waqti dambe gool madi ah ka dhaliyey Bernardo Silva.

Manchester City oo ah kooxda koobka difaacanaysa oo inta badan ciyaarta maamulaysay, ayaa waxa ay ka badbaadday rikoodhe ay Chelsea dalbatay markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Jack Grealish.

Tiro fursado dahabi ahaa ayayse Chelsea iska lumisay labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana laacibka la degay kooxdaas ee khasaaraha ku ahaa goolka hortiisu uu ahaa weeraryahanka reer Ivory Coast ee Nicolas Jackson.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayay taageereyaasha Chelsea usoo jeediyeen kooxdooda in la iibiyo Nicolas Jackson oo aanu mar dambe u dheelin naadiga, iyaga oo falcelintooda kusoo gudbiyey baraha bulshada.

Taageere Chelsea ah ayaa kusoo qoray bartiisa X qoraal u dhignaa sidan: “Nicolas Jackson waxa aanu u baahanahay in laga caydhiyo kooxda.”

Mid kale ayaa isaguna yidhi: “Istaraatiijadda ugu wanaagsan waa in Nicolas Jackson laga joojiyo inuu kubadda laado, sababtoo ah waxa hubaal ah in aanu dhalinayn.”

Taageere saddexaad ayaa isaguna soo qoray: “Fadlan Jackson ka saara kooxda aanu jecelahay.”

Si kastaba ha ahaatee, Nicolas Jackson oo ay Chelsea soo iibsatay bishii June oo ay heshiis siddeed sannadood ah ka saxeexday ayaa siddeed gool oo horyaalka Premier League ah u dhaliyey xilli-ciyaareedkan, waxaana tirada goolashiisu ay ku dhow yihiin intii ay dhaliyeen Didier Drogba, Gianfranco Zola iyo Eden Hazard xilli-ciyaareedyadoodii koowaad ee Blues.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*