Kooxda kubadda cagta Barcelona waxa usoo yeedhay war murugo leh xalay, kaddib markii la xaqiijiyey in uu ka dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Gavi oo wax ku noqday tababarka xulka qaranka Spain ee isku diyaarinaya kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee Scotland iyo Norway.
Barcelona oo hore ay uga dhaawacnaayeen Robert Lewnadowski oo kuraanta uu dhaawac kaga soo gaadhay ciyaartii FC Porto ee Arbacadii hore, ayaa waxa ka dambeeyay Jules Kounde oo muddo u jiifaya dhaawaca kasoo gaadhay ciyaartii Granada ee Axaddii iyo Lamine Yamal oo isaguna wax ku noqday kulankaas.
Lewandowski iyo Kounde waxay maqnaanayaan min dhawr usbuuc, laakiin Yamal oo laga saaray xulka qaranka Spain dhaawac awgii ayaa la sheegay in aanu dhaawaciisu khatar ahayn oo uu dib ugu soo laaban karayo kooxdiisa kulanka ugu soo horreeya.
Sida ay xalay sheegeen warbaahinta waddanka Spain, garoonka tababarka xulka qaranka Spain waxa ku dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Gavi gellinkii dambe ee Salaasadii shalay, waxaana maanta laga sugayaa dhakhaatiirta inay war kasoo saaraan dhaawaca laacibkan.
Gavi oo Isniintii ka maqnaa tababarka ayaa waxa uu tegay Salaasadii, laakiin waxa waqti horeba gaadhay dhaawac sababay in laga saaro xulka.
Barcelona ayaa la sheegay in dhakhaatiirteeda ay u dirtay garoonka tababarka Spain si ay u hubiyaan dhaawaca Gavi, waxaase ay arrintani ku tahay jug weyn oo soo gaadhay waqti xaasaasi ah, iyadoo ay horena dhaawacyo ugaga maqnaayeen Pedri, Frenkie de Jong, Raphinha, Robert Lewandowski iyo Jules Koundé.
🚨 BREAKING: Gavi has picked up an injury during @SEFutbol training session. @carrusel pic.twitter.com/qxbAf8z3KG
— barcacentre (@barcacentre) October 10, 2023
Be the first to comment