“Hore Ayaan Ugu Sheegay Booska Aan Jecelahay Inaan Ka Ciyaaro” – Gabriel Jesus Oo Farriin Adag U Diray Mikel Arteta


Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa mar kale ku celiyey booska uu doonayo in uu tababare Mikel Arteta ka ciyaarsiiyo, inkasta oo uu qiray in wax ugu muhiimsan ay tahay in uu ka shaqeeyo sidii uu u caawin lahaa kooxdiisa iyo booska ay marba uga baahdaan.

Inkasta oo uu yahay weeraryahan dhexe oo dabiici ah, isla markaana uu xidho No.9, haddana Gabriel Jesus ayaa laga ciyaarsiiyey labada garab ee weerarka marar badan xilli-ciyaareedkan.

26 pjirkan oo shan ciyaarood oo dhamaan tartamada ah kusoo bilowday xilli-ciyaareedkan, waxa uu laba kulan ka ciyaaray booska uu jecel yahay ee No.9, laba jeerna waxa uu ka ciyaaray garabka bidix, halka garabka midig laga dheelsiiyey hal-mar.

Labadii kulan ee uu weerarka dhexe ka ciyaaray ayuu laba gool dhaliyey, balse saddexdii kulan ee kale wax gool ah ma dhalin, sidoo kalena wax caawin ah ma samaynin, iyadoo Eddie Nketiah uu weerarka dhexe ka ciyaarayay.

Gabriel Jesus oo hadda ku maqan xulka qaranka Brazil ayaa la weydiiyey sida uu u arko boosaska uu Mikel Arteta ka ciyaarsiiyo, waxaanu yidhi: “Waxa muhiim ah in aan meelo badan uga ciyaaray Arsenal. Markii aan doortay in aan ka tago Man City ee aan u wareegay Arsenal, Edu iyo Arteta ayaan la hadlay waxaanan u sheegay in aan jecelahay in aan ka ciyaaro booska No.9. Fikradda Arsenal-na sidaas ayay ahayd, aniga aragtidayda farxad iyo raaxo ayaan ku dareemaa No.9-ka.

“Xilli-ciyaareedkan waxa aan ka dheelay boosas kala duwan, sababtoo ah dhaawacyo badan ayaa jiray, waxaanan ka ciyaaray saddexda boos ee afka hore. Waxay ila noqotay, in halkii aan ka odhan lahaa anigu waxa aan ka ciyaarayaa No.9, in ay ka fiican tahay in aan kooxdayda caawiyo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*