Kylian Mbappe Oo Afka Furtay Ka Dib Casharkii Uu Barcelona U Dhigay Iyo Semi-finalkii Uu PSG U Soo Saaray


Kylian Mbappe ayaa warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in waxa kaliya ee maskaxdiisa ka dhex guuxaya ay tahay PSG iyo inuu gaaro hamigiisa ugu weyn tan iyo markii uu u saxiixay kooxda reer Paris.

Waana inuukoobka UEFA Champions League la qaado kooxda Faransiiska ka hor inta uusan ka tagin bisha Juun ee xagaagan.

“Waan ku faanayaa inaan joogo Paris.  Kaliya ma ahan inay jireen xilliyo fiican iyo xilliyo xun oo dhaawacaya inaan ku faano kooxdaan. Sharafta ay leedahay inaan u ciyaaro kooxdaan, inaan matalo kooxda ka dhisan caasimada dalkeyga oo ah halkii aan ku soo koray waa wax mudnaan gaar ah leh.” ayu yiri Kylian Mbappe.

“Inaan u soo joogo habeen sidaan oo kale ah anigoo nin reer Paris ah waa wax weyn. Waxaan qaadnay talaabo kale, laakiin waa inaan isdejino.

 “Riyadeyda waa inaan Champions League kula guuleysto PSG. Caawa waxaan garaacnay koox weyn, waxaan isku dayaynaa inaan gaarno Wembley.

“Waxaan u ciyaarnay si aad u fiican koox ahaan, waxaan muujinay wadajir. Lix maalmood ayaan ka shaqeyneynay tan iyo lugtii hore anagoo aaminsan inaan natiijada dhanka kale u rogi karno, inaan halkaan ku badin doono. Maalin weyn ayay u tahay qof walba oo kooxda ka tirsan.

“Horay ayaan u sheegay xitaa haddii aan guuldareysan laheyn, waxaan weli ku faani lahaa inaan ahay nin reer Paris. Dabcan habeen sidaan oo kale ah faankeena wuu ka sii weyn yahay sidii hore. Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan garaacnay koox aan rabnay inaan garaacno, waxaan leeyahay kooxda hambalyo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*