DEG-DEG: Arsene Wenger Oo Waqtigii Nasashada Sii Saadaaliyey Ciyaarta Bayern Munich vs Arsenal Ee Lugta Labaad Ee Wareegga 8da Champions League


Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa saadaaliyey midka semi-finalka usoo gudbaya kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal oo lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League ku ciyaari doona garoonka Allianz Stadium habeenka Arbacada.

Lugtii hore ee ka dhacday garoonka Emirates Stadium, ayaa waxa ay labada kooxood ku kala baxeen barbarro 2-2 ah, waxaana go’aanka midkooda soo gudbaya lagu xaqiijin doonaa magaalada Munich.

Bukayo Saka ayaa Arsenal hoggaanka u dhiibay ciyaartii hore, halka Bayern Munich uu goolka barbarraha ee qaybta hore u dhaliyey laacibkii hore ee Arsenal ee Serge Gnabry halka Harry Kane uu raaciyey gool labaad oo rikoodhe ka ahaa, ka hor intii aanu Leandro Trossard daqiiqaddii 76aad goolka barbarraha u dhalinin Arsenal.

Gunners ayaa waxa semi-finalka Champions League ugu dambaysay sannadkii 2009 iyadoo waqtigaas uu tababare u ahaa Arsene Wenger oo isaga oo caawa ka hadlayey telefishanka Sky Sports yidhi: “Mar kale ciyaarta Arsenal iyo Bayern Munich waa 50-50.

“Bayern muddooyinkan dambe way ku liidatay garoonkeeda, waxa kaga badisay ciyaar muhiim ahayd Borussia Dortmund oo tustay in aanay kalsoonidoodu ahaydn 100%. Wali waxay ila tahay in Arsenal ay ka adkaan karayso Bayern.”

Arsene Wenger oo hadlayey waqtigii nasashada ee ciyaartii Barcelona iyo PSG ayaa la weydiiyey kooxda uu u badinayo in Arsenal iyo Bayern Munich ay semi-finalka usoo gudbayso, waxaanu ku jawaabay: “Labadoodaba way ila tahay. Way iskaga kay badhxanyihiin.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*