Pochettino Oo U Hanjabay Jackson & Madueke Ka Dib Rigooradii Ay Ku Qabsadeen Cole Palmer & Tababaraha Oo Shaaciyay Xiddiga Rigoorada U Tuuraya Blues


Mauricio Pochettino ayaa ku weeraray ciyaartoyda Chelsea oo uu ku tilmaamay caruur inay ku dagaalameen rigoore.

Noni Madueke iyo Nicolas Jackson ayaa dagaal u galay rigooradii ay Chelsea heshay iyadoo ciyaarta ay mareyso 4-0, halka kabtan Conor Gallagher uu ku adkeystay in rigoorada loo daayo Cole Palmer.

Pochettino ayaana ugu hanjabay ciyaartoyda dagaalka gashay in keyd la gelin doono haddii ay mar kale falkaan ku kacaan.

Poch ayaa u sheegay Madueke iyo Jackson in Palmer uu yahay xiddiga rigoorada u tuuro Chelsea, wuxuuna ugu hanjabay in kooxda laga saari doono haddii ay sidaan oo kale u dhaqmaan mar kale.

Pochettino ayaa yiri: “Waa wax ceeb ah. Waxaan ciyaartoyda ugu sheegay qolka labiska inaynan sidaan oo kale u dhaqmi karin. Waxaan u sheegay inay tani noqon doonto markii ugu danbeysay ee fal ceynkaan oo kale aan ka aqbalo.

“Dhamaantood way ku lug lahaayeen xaalada, mar danbe haddii ay dhacdo, dhamaantood kooxda waan ka saarayaa. Kaftan igama ahan.

“Waa wax aan la rumeysan karin in qaab ciyaareed sidaan oo kale ah ka dib aan u dhaqano sidaan.

“Haddii aan dooneyno inaan noqono koox weyn oo u dagalaama waxyaabo waa weyn, waxaan u baahanahay inaan si wadajir ah u fekerno.

“Waan u sheegay iyaga, hadana waxaan u sheegay warbaahinta, taageerayaasheena iyo qof walba, Cole Palmer ayaa ah rigoore tuuraheena. Isaga ayaana khiyaar u leh haddii uu ciyaaryahan kale ku wareejinayo kubada laakiin ma ahan sidaan oo kale.

“Waa wax laga xumaado, ma doonayo inay tani dhacdo. Waxaan u dhaqanay sida caruurtii oo kale.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*