Ciyaartoyda Chelsea Oo Ku Dagaalamay Rigoore & Xulufeysi Ka Dhex Dilaacay Qolka Labiska Chelsea


Xiddigaha Chelsea ayaa ku dagaalamay rigoore inkastoo ay kooxdooda markaas hogaanka uga heysay Everton 4-0.

Chelsea ayaa 6-0 ku xasuuqday Everton xalay oo Isniin aheyd, iyadoo Cole Palmer uu ahaa xiddiga garoonka.

21 jirkaan ayaa 16 daqiiqo ku dhameystiray seddexleey qeybtii hore ee ciyaarta, wuxuuna mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Nicolas Jackson ayaa gool afaraad ku daray ka hor waqtigii nasashada, iyadoo Chelsea la siiyay fursad gool shanaad markii rigoore loo dhigay ka dib markii Palmer qalad lagula galay xerada ganaaxa.

Inkastoo ay guusha xilli hore xaqiijisteen hadana xiddigaha Chelsea ayaa ku dagaalamay cida rigoorada tuureysa.

Noni Madueke ayaa isku diyaariyay inuu rigoorada tuuro isagoo kubada heystay, ilaa iyo kabtan Conor Gallagher uu u yimid una sheegay inuu kubada ku wareejiyo Palmer.

Jackson ayaa ka dib goobta soo gaaray isagoo dalbaday in Madueke la siiyo rigoorada, laakiin Jackson ayaa markii danbe Madueke ka kaxeeyay goobta iyadoo Palmer uu rigoorada gool u sarifay islamarkaana dhaliyay goolkiisii afaraad ee ciyaarta.

Labada ciyaaryahan ayaa la arkayay caradooda iyagoo ka daahay dabaaldega goolka Palmer inkastoo ay labadoodaba u hambalyeeyeen Palmer.

Dhacdadaan ayaa hoosta ka xariiqeysa xiisada ka dhex taagan qolka labiska Chelsea, iyadoo ay muuqato xulufeysi ka dhex jira ciyaartoyda Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*