Tchouameni Oo Gantaal Uu Dhaliyey Hoggaanka Ugu Sii Dheereeyey Real Madrid


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa 11 dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga kaddib guul cidhiidhi ah oo ay kasoo gaadhay Real Mallorca oo ay marti u ahayd.

Gool madi ah oo uu dhaliyey Aurelien Tchouameni oo gantaal ka toogtay 28 mitir ayaa waxa uu kooxdiisa Real Madrid ku siiyey guul dahabi ah oo ay ugu sii dhowaanayaan koobka horyaalka oo ay toddoba kulan ka hadhsan yihiin.

Ciyaartan oo uu tababare Carlo Ancelotti nasiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah qaarkood, maadaama ay Arbacada la ciyaarayaan Manchester City lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, ayaa waxa ay inta badan maamulaysay Real Madrid.

Brahim Dias iyo Fede Valverde ayaa lumiyey fursado qaybtii hore, sidoo kalena Luka Modric ayaa uu nasiibku diiday isaga oo dhawr darbadood ka laaday xerada ganaaxa.

16 jeer oo sagaal ka mid ah ay kubadda goolka ku aaddiyeen ayay Real Madrid toogatay goolka Real Mallorca, halka iyagana lix jeer goolkooda lagu soo laaday kubadda, laba ka mid ahna uu badbaadiyey Andriy Lunin.

Jude Bellingham ayaa daqiiqaddii 33aad garaacay birta isaga oo kubbad uu bannaanka ka toogtay ay birtu dib usoo celisay isla markaana iska saareen difaaca Mallorca.

Laacibka reer England ayaa sidoo kale u dhowaaday inuu dhaliyo kubbado kale oo uu xerada ganaaxa gudaheeda iyo bannaanka kaga toogtay goolka oo uu nasiibku diiday.

Real Madrid oo uu weerarkeedu diiif ahaa maadaama uu Carlo Ancelotti fadhiisiyey Rodrygo iyo Vinicius Junior ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay hoggaanka u dhiibay Tchouameni oo meel fog oo 28.5 mitir goolka u jirta ka toogtay goolka, kuna hubsaday shabaqa.

Vinicius Junior oo beddel kusoo galay ayaa helay fursad dahabi ahaa oo ay qaladkiisa lahaayeen difaaca Real Mallorca oo kubadda isku dhiibay, balse goolhayaha ayaa dirqi kaga soo gaadhay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 78 dhibcood, waxaanay 11 dhibcood ka horreysaa Barcelona oo goordhow la ciyaaraysa Cadiz.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*